Muqdisho (AGGM):Madaxweyne Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey Kulan Ka dhacay Magaalada Muqdisho ayuu Ka sheegay inay Muhiim Tahay in dadka Soomaaliyeed is Caawiyaan.
Xilli Ay maalmo yar inooga hareen biloowga amaba bilashada Bisha Ramadaan ayuu Madaxweynaha Dalka Soomaaliya uu dadka Hantida Heysta ka codsaday inay ka war qabaan walaalahooda aan heysan waxay ku Afuraan.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in bisha Ramadaan oo ah Bil Raxmadeed ay muhiim tahay in dadku ay is gar gaaraan midkooda dhibaateysana la garab istaago.
Isku soo wada duuboo Hadalkaan ayuu Madaxweynuhu ka sheegay munaasabad bandhig Dhaqameed ahayd oo Xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com