Dhageyso: Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Oo Amray Wasiirda iyo Xildhibaanada Dowladda ugu jira Inaysan U Shaqatagin Xafiiyadooda Dowladda.

0

Muqdisho (AGGM):Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Kulan maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya ku yeesheen Odayaasha dhaqanka, Siyaaasiyiinta iyo Waxgaradka beelaha Hawiye ayaa waxa ayna si cad uga soo horjeesteen Aqoonsiga Dowladda Soomaaliya ay Aqoonsatay Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb Galay Wasiiro,Xildhibaano iyo Waxgaradka Beesha Hawiye,waxaana Wasiirada ka qeyb galay laga Xusi karaan Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sh Cali Dhuxuloow,Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya Mahad Salaad iyo Xildhibaano ka soo jeeda Beesha Hawiye.

Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Hawiye Nabadoon Max’ed Xasan Xaad ayaa ku Amray Wasiirada iyo Xildhibaanada Beesha Hawiye in aysan u Shaqatagin Dowladda Soomaaliya inta laga Gaarayo go’aan rasmi ah.

Isku soo wada duuboo waxaa uu sheegay Nabadoon Xaad in Shir looga hadlayo Aayaha Beesha Hawiye ay ku qaban Doonaan Xarunta Maamulka Shabelle State.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com