Muqdisho,AGGM—Madaxweynaha Maamulka Shabelle State Abuukar Cabdi Cusmaan (Mardaadi) oo wareysi bixiyey ayaa waxa uu ka hadlay Heshiiskii shalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Shabeellaha Hoose lagu Siiyey Maamulka K/Galbeed Somaliya.q
Abuukar Mardaadi ayaa sheegay inay Dawlada ku Eedeynayaan waxyaabo laga tagey inay dib usoo celineyso taasi oo ah in qabiil ahaan dadka ay ku dagaalamaan.
Madaxweyne Abuukar Mardaadi ayaa ku Andacooday in isagu maamulkiisu yahay mid labo Gobol ka kooban islamarkaana dhibaatada kala qoqobnaata iyo iska hor keenida Shacabka Soomaaliyeed uu Wado sida uu hadalka U dhigay R/wasaare C/weli Shiikh Axmed.
Maamulkaan Shabelle State la yiraahdo ayaa waxa uu Taageero ballaaran ka heystaa Beelaha Hawiye taasi oo u sahli karta in se deg deg ah loo aqoonsado ama xaalada sidii la rabay ay wax isaga badasho.q
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com