Muqdisho, AGGM—Cabdulaahi Goodax Barre oo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya oo goordhaw la hadlay Idaacada BBC-
da ayaa kasoo horjeestay heshiiskii shalay lagu saxiixay Madaxtooyada Soomaaliya kaa oo lagu micneeyay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in habkii loo maray Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee shalay Madaxda Dowlada aqoonsadeen uu yahay mid sharci daro ah , waxa uuna tilmaamay in Wasaaradiisa oo xaq u leh arimaha Maamul u sameynta aan lagala tashan.
Sido kale Wasiirka ayaa xusay in xiligan aysan habooneyn in Dowladu aqoonsato maamul Goboleed uu muran ka taagan yahay , waxa uuna tilmaamay in Maamulkii Jubba uu dood ka taagnaa hadana la aqoonsaday mid kale oo farqaha la heesto.
‘’ Waad ogtahay in Maamulkii Jubba dhib badan laga maray oo la isku qabsaday , hadana midkan ood lasocotaa in dad badan kasoo horjeedaan oo la isku heesto in la aqoonsado waa nasiib daro’’ ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha.
Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in shaqadiisa ay dad kale faraha la galeyn kuwaa uu kala jeeday Madaxda sare ee Dowlada, waxa uuna tilmaamay in shaqada Dowlada ay iska noqotay nin walboo iskaa wax u qabso .
Ugu Danbeyntii Hadalka Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa imaanaya xili Maalintii shalay Madaxtooyada Soomaaliya uu ka dhacay Heshiis la sheegay in ay ku midoobeen Maamuladii Baydhabo looga dhawaaqay iyadoona Maamulkaasi ay aqoonsadeen Sadaxda Masuul ee ugu sareysa Dalka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com