Muqdisho, AGGM— Saraakiisha AMISOM ayaa ka sii digaya khatar dhinaca nabad-galyada oo ka dhalan-marta sidda ay hadalka u dhigeen aqoonsiga maamulka saddexda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya kadib hishiiskii dhawaan madaxtooyada Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen dhinacyadii isaga oo horjeeda maamulada looga dhawaaqay Baydhabo.
Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in ay uga digayaan dhinacyada ay arintan khuseyso iney ku kacaan falal gacan hadal keeni kara, si amaanka uusan khal khal u gelin.
“Anagu AMISOM ahaan waxaa uu waajib naga saaran yahay ilaalinta amaanka, waxaana taageereynaa go’aamada ka soo baxa dowlada ee ku wajahan xaaladaha dalka ka jira” ayuu yiri Col. Xumad oo wareysi siinayey warbaahinta Muqdisho qaarkood.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in AMISOM ay taageereyso mid ka mid ah labada maamul ee is haya, isagoo xusay in iyagu aysan cidina la safneyn waajibkooduna uu yahay iney dhinaca amaanka gacan ka siiyaan dowlada.
Hadalka Afhayeenka ciidamada AMISOM Col.Cali Aadan Xumad ayaa ku soo aadaya xili mucaaradad xoogan lagala hor yimid aqonsigii dowladi siisay maamulka sadexda gobo lee Koonfur galbeed, isla markaana laga cabsi qabo in arintaas ay sii xoojiso khilaafaad markii horeba ka taagnaa maamulka koonfur galbeed oo u qeybsan sadex gobol iyo lix gobol.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com