Muqdisho, AGGM; Iyadoo Dhalashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan ay naga xigaan hadii raabi raali ka noqo maalma kooban ayaa maanta lagu qabtay degmada Xamar weyne Ee Gobolka Banaadir waxaana Munaasabada bandhigaan soo agaasimay maamulaha iyo Macalimiinta Machadka Barshada Computerada iyo Luuqadaha ee Marwaas iyagoona ay wehelinayeen qaar ka tirsanaa Ardayda dhigata Dugsiga Xifdinta Qur,aanka Kariimka iyo Culuumtiisa ee Yuusuf o Hal meel ay kuwada yaalaan.
Bandhig aqooneedkaan lagu soo dhaweenayay bisha ugu fadhliga badan ee Ramadaan ayaa noqday bandhig aad loola dhacay sida quruxda badan loo soo agaasimay iyadoona dadweyne aad u tira badan ay goobta soo buux dhaafiyeen oo la dhacay sida quruxda badan ee Ardayda wax u soo jeedinayeen,
Ka soo qaybgalka Bandhigaan ayaa lagu marti qaaday waxgaradka, Culumaa’udiinka Degmada iyo Waalidiinta Ardayda wax ka barta Labada Qaybood ee iskuulku ka koban yahay o ah qaybta Xifdinta Qur,aanka iyo Qaybta kale ee iyadana lagu barto Computerada iyo Luuqadaha.
Waxaa ugu horayn Munaasabadaan ku saabsanayd Bandhiga Aqooneedka lagu soo dhaweenayay Bisha barakysan Ee Ramadaan daah Furay Macalin Mascuud warsame isxaaq oo ka tirsan macalimiinta ka howlgala Machadka Marwaas waxaa uuna sheegay in ay tahay mid lagu dhiiragalinayo Ardayda si bisha barakaysan ugu sii amba qaadaan meesha ay hada joogaan ka macalimiin ahaana ay baraarujin u tahay loona baahan yahay in mar waliba Ardayda Soomaaliyeed dhiiragalin balaaran ay ka helaan Maamulkooda iyo Macalimiintooda.
Intaa ka dib waxaa la sii guda galay Munaasabadii iyadoona shacab weynaha ku dhaqan Degmada Xamar weyne iyo Waalidiinta Ardayda oo qudhooda kala yimid degmooyinka iskala gooshaya Gobolka Banaadir u sacab u tamay hadba Ardayga markaasi wax soo jeedinayay, bandhiga uu ka koobnaa, Xifdinta Qur,aanka Kariimka, Siirada Nabigeeni, Anaashiid \islaami ah, Caafimaad, Luuqada English-ka, Computerka iyo Luuqadeena hooyo Ee Soomaaliya,
Maxamed Sheekh Cali ( oobow) oo Horyna uga Tirsanaa Xildhibaanadii Dowladii KMg ahayd ee Soomaaliya u madaxweynuhu ka ahaa Sheekh Sheekh Axmed oo goobta ka hadlay kuna hadlayay Afka waalidiinta Ardayda ayaa Hambalyo iyo bogaadin isugu jirta u diray Maamulka iyo Macalimiinta Madarasada Barashada Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Machadka Barashada Computer-ka iyo Luuqadaha Ee Marwaas sida wacan oo habeen iyo Maalin ay diyaar ugu yihiin ka qaybqaadashada hormarka Bulshada soomaaliyeed o saameeyay dagaalooyin ku reebay dhibaato lama ilaawaan ah gaar ahaan Magaala Madaxda Dalka ee Muqdisho Maxamed Sheekh Cali ( Oobow) oo hadalkiis sii wata ayaa sheegay in ay si aad ula dhaceen Bandhig Aqooneedkaan lagu soo dhaweenayay bisha Ramadaan.
Sidoo kale intaa ka dib waxaa isagana goobta ka hadlay Xaaji Maxamed Muungaani o ka mid ahaa Aqoonyahanadii Ka soo qaybgalay bandigaan kuna hadlayay magaca Odayaasha Degmada X/weyne ayaa aad Ardayda ugu hambalyeey in ay sii laba jibaaraan dadaalka ay xiligaan wadaan ayna ka filanayaan heerka hada ay joogaan iyo mid ka sii hormarsan inay gaaraan isagoona mudo gaaban Ardayga aga sheekeeyay waxyaabihii lama ilaawanka ahaa ee dalalka shisheeye ku soo arkay taas oo micnaheeda ula jeeday in dhulkaaga hooyo aadan Marna ka tagin.
ugu dambeyntii Xeritaanka Munaasabadaan ayaa soo xeray Maamulka Guud Ee madarasada Xifdinta Qur,aanka Kariimka iyo Culuumtiisa Ee Yuusuf iyo Machadka Barashada Computerada iyo Luuqadaha Ee Marwaas Ustaad Cabduqaadir Siidow Ibraahim waxaa uuna ugu horayn u mahad celiyay Allaah, oo suurta galiyay in u Munaasabadaan ku saabsanayd soo dhweynta bisha Barakaysan ay qabsanto kasokow masuuliyiinta ka soo qaybgalay waxaa uuna tibaaxay in mar waliba u taagan yhiiin wxii casriyaysan in bulshadooda u soo bandhigaan soo dhaweynta bisha Barakysan ay tahay mid caada u ah iskuulka Marwaas iyo Dugsiga Qur,aanka ee Yuusuf kuna booriyay Ardayda in ay dadaalkooda heerka uu hada maraya ay ka sii amba qaadaan.
Hormarka waxbarasho ee ka socda Iskuulka Marwaas ayaa ah mid aan la soo koobi Karin waayo sandkiiba waxaa laga yaabaa in uu soo saaro 200 Arday oo xirfadaysan misana ka howlgala hadba shaqada banana ay buuxi karaan.
Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalkeena hooyo Ee Soomaaliya ayaa goobta ugu waxbarsahada Badan dhulka Soomaaliyeed hase yeeshee iskuulada ama machadyada wxabarasha ku yaala ayaa lagu kala duwan yahay waayo waxaa ku yaala machadya gaaraya 100 misana tayadooda iyo waxqabadkooda aan muuqan, Balse madarasdaan Yuusuf waxaa wax ka barta in ka badan 300 Arday misana dhamaantood Bartaan sida ay u xifdin lahaayeen Qaybaha Ay ka kooban tahay Diinteena Suuban ee Islaamka .
Wabilaahi Towfiiq.
Wixii Faah Faahin Ah Kala Xiriir Maamulka
Tel:- 0025261-5572840
Email. madrasatyusuf@gmail.com – marwaascenter@gmail.com
www.markazyusuf.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com