Top News+Dhageyso: Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca Oo Ka Soo Ceyriyay Degmada Matabaan Maamul Ay Dowladda Soomaaliya U Soo Magacowday Degmadaas.

0

Matabaan, AGGM:Maamulka Ahlusunada ka arimisa gobolada dhexe ee dalka ayaa dib u celisay maamul dowlada federaalkaay u magacaawday degmada Matabaan ee gobolka Hiraan kaas oo ay shegeen in aan xiligaan
loo baahneyn.

Sheekh Cali baashi Aadan diiriye oo ah ku xigeenka Degmada Guri ceel ee gobolka Gal-gaduud ayaa u xaqiijiyay mid ka mid ah Warbaahinta magaalada Muqdisho isagoona tilmaamay in uu jiro mamul hada halkaas ka arimo suura galna aysan aheyn maamul kale.

Isku soo wada duuboo Mamaulka Culumaa’udiinka Ahlunna Waljamaaca ayaa sheegay maamul aan ku imaan Rabitaanka shacabka amaba aysan soo dooran shacabka inay tahay wax qaldan oo aan la qaadan karin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com