Top News+Dhageyso: Xasan Macalin Yuusuf (Xasan Black) “Ma Rabo Wasiirnimo, Dowladda Koonfur Galbeed Ee 6-da Gobol-na Waa Shineemo Dhamaatay Bilyeeti U Gooso”.

0

Baydhabo, AGGM:Xasan Macalin Yuusuf (Xasan Black) oo Madaxweyne Madoobe Nunoow Maxamed uu u magacaabay Wasiirka Amniga ee maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in uusan raali ka aheyn xilkaas inuu qabto.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in xilkaas loomagacaabay isagoon waxba ka ogeyn islamarkaana aan lagala tashan taas oo uu ku tilmaamay mid xad gudub ah.

“Runtii aniga ma qaadi karo mas’uuliyada Wasiir Ammni, Waase qaadi karaa haddii la ii magacaabo Xilka Wasiirka Isboortiga iwm” Xasan Black ayuu yiri.

Wareysiga ayuu sidoo kale ku sheegay in haba yaratee wax xil ah uusan ka dooneyn maamulkaas oo uu crabaka ku dhiftay in Dowlada federaalka ay Go’aan ka gaartay.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Dikareetadi Uu Madaxweyne Madoobe Nuunoow Maxamed Ku Magacaabay Xasan Black.

baydhabo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com