Muqdisho (AGGM): Ururka Al Shabaab oo si weyn uga soo horjeedo jiritaanka Dowladda Federalka ee Somaliya iyo joogitaanka dalka ee Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa sheegay in Dowladdu ujeedooyin iyo qorshayaal ka lee yahay, waxa ay bisha Ramadaan u xoojineyso ammaanka Muqdisho.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ugu magacaaban Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), ayaa wuxuu sheegay in Dowladdu ay dooneyso inay ku baneysato dhiigga iyo hantida shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
“Waxaan lee nahay ujeedooyin iyo qorshaa laga lee yahay, maahan in wax la difaacaayee, haddii wax la difaacaayo Madaxtooyaa la difaaci lahaa, Ramadaana ma’ahayn.” ayuu yiri Gudoomiyaha.
“Ujeedooyinkaasna waxaa ka mid ah in dadka masaakiinta ah ee Xamar ku dhaqan la baneysto dhiigooda, naftooda iyo maalkooda, oo ummada la dilo, oo ummada la dhaco, ayaa ka mid ah.” ayuu markale yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen.
“Waad arki doontaa in guryo badan loo dhici doono, habeen kasta in guryo masaakiin ah inta loo dhaco, haweenkooda la kufsado, hantidooda la qaato, caruurta ama wiilashooda la xir xirto, ujeedooyinka ay lee yihiina taas ayaa ka mid ah.” ayuu sii raaciyay Cali Jabal.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com