Muqdisho, 29 Juun 2014 – Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Dowladda Italy Mr. Fabrizio
Marcelli islamar-kaana Madaxweynaha soo gaarsiiyey fariin uu ka waday madaxda dalka Italy.
Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. “ aad ayaan ugu faraxsanay in maanta Madaxweynaha Soomaaliya iga aqbalo warqadaha Aqoonsiga,” Ayuu yiri Safiirku.
Sidoo kale Safirka ayaa ballan-qaaday in Dowladda Somaaliya ay Dowladiisa ka caawin doonto arrimaha horumarinta dalka oo ay ka mid tahaydib-u-dhiska dalka iyo xasilinta Dalka isaga oo sheegay in ay dib u bilaabi doonaan maashaariicdii ay ka fulin jireen Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xiriir qoto dheer la la hayd Dowladda Italy, waxuuna safiirka u sheegay inuu dar-dar geliyo xoojinta xiirka labada dalka.
Ugu dambentii Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa yiri “ Waxaan uga mahad-celinayaa dowladda Italy sida ay diyaarka ugu tahay xoojinta xiriirka labada dal oo ay marqaati ka tahay soo magacaabida safiirkan cusub, waxaanna u rajeynayaa in uu dowladda kala shaqeeyo mashaariicda dib-udhiska dalka”.
DHAMAAD
For more information please contact:
Shador Haji Mohamud
Senior Press Officer
Office of the Somali President
E 1: shadorhaji@presidency.gov.so
E 2: shadoor150@gmail.com Twitter:
@thevillasomalia/@Shador_Haji
https://www.facebook.com/