Dhageyso:Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuur Yare “Qofkii Al Shabaab Ah Ee La Soo Qabto Waa In Waalidkiisana La Soo Qabtaa”.

0

Muqdisho,AGGM—–Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Ciidanka Qalabka sida Ee Somalia Gaashaanle Sare Cabdi Raxmaan Maxamed Tuur yare ayaa waxaa uu ka hadlay Dad al shabaab ka ah ee la soo qabto waxa ay ka yeeli doonaan Hay,adaha Garsoorka Dalka isagoo xusay in marnaba aysan dhici doonin Qof al shabaabnimo loo soo qabto in la sii ddaayo ee uu mar kale Dhibaateeyo dad Masaakiin ah .

Gudoomiye C/raxmaan Tuur Yare ayaa waxaa uu xusay in loo Baahan yahay in al shabaab Dagaalka dowladu kula jirto laga wada qayb galo isagoo Carabka ku dhuftay in waalidka Caruurtooda ay kala Baxaan Al shabaab Waalidkii Caruurtiisa al shabaab ku taageerana waxaa uu amray in la soo xiro .

“Hay,adaha amaanka waxaan leeyahay Al shabaab Gacan bir ah waa in lagu qabtaa waa in waalidka Al Shabaab garab siinaya Ee Caruurtiisa Al shabaab ka midka yihiin ee aan soo sheegin oo aan la xiriirin hay,adaha amniga hadana soo raadiya marka Caruurtiisa la xiro waa in kaas la soo xiraa isagana Xal kale maleh “ayuu yiri Gudoomiye C/raxmaan tuur yare .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com