Dhageyso: Faarax Sheekh Cabdulqaadir”Aqoondaro Sharciyada Iyo Mid Xirfadeed Ayaa Haysata Garsoorayaasha Maxkamadaha”.

0

Muqdisho, AGGM: Iyadoo Mudooyinkaanba ay jirtay Cabasho Xoog leh oo ka soo yeereysay Bulshada qaybaheeda kala duwan kuwaas oo ka Cabanayay Garsoorka Dalka Cadaalad Darada ka jirta iyo wax is daba marinta Musuq maasuqa ay sameynayaan Garsoorayasha Soomaaliyeed ayaa waxaa soo baxaya hada in Wasiirka Garsoorka Xukuumada Somalia uu Dhaliil dusha uga tuuray Garsoorayaasha .

Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Xukuumada Somalia Mudane Faarax Sheikh C.qaadir oo Maanta oo Jimco ah ka qayb galayay Barnaamijka ka Baxayay Radiyaha Dowladda Dadkuna ay su.aalo ka weydiinayeen Cadaalad darada Garsoorka ka jirta iyo Sababta wax looga qaban la.yahay ayaa waxaa uu sheegay in Dhibaatada Somalia ka jirta qaybta ugu weyn uu ku leeyahay Garsoorka Somalia oo qalad badan uu ka jiro .

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatadu tahay aqoon Daro haysa inta Badan Garsoorayaashan oo aan lahayn aqoon iyo qibrad garsoore taasna ay ku timid Garsoorayaasha oo aan dhaqaale haysan Ilaalo amaankooda sugana aan qabin arintaa oo uu ku sheegay in ay dhibka sii kordhineyso .

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in arintaan uu ku ogaaday Baaris uu sameeyay sidaa darteedna wax badan is badal uu ku sameynayo Habka shaqo Ee Garsoorka Dalka isagoo Carabka ku dhuftay in Mushaaraad ku filan Dowladu u qoreyso Garsoorayaasha sidoo kale loo sameynayo Ilaalo amaankooda Suga Maadaama dhowr garsoore la dilay .

Madaxweynaha Somalia ayaa Horay u sheegay in Cadaalad Daro ka jirto garsoorka Dalka Dadaalna ay u galayaan sidii wax looga qaba lahaa oo loo afjari lahaa .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com