Fadeexad+Dhageyso: Tarsan “Askarta Isteeshinada Booliska Mas’uuliyadooda Ma Garanayaan,Rasaas Ma Haystaan, Qoryo Ma Heystaan, Magaalada Qoryaha Lidka Diyaaradaha Ayaa Lagu Dhex Wataa, Seebay Ammniga Ku Sugayaan”.

0

Muqdisho, AGGM: Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ka hadlay hanaanka iminka ay usugaan laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ammaanka Caasimada Muqdisho, isaga oo dhaliil kala dul dhacay qaabka sugidda amniga Muqdisho.

Tarsan ayaa tilmaamay inaysan wax soo kordhineyn in isbedel lagu sameeyo saraakiisha, balse muhiimada ay tahay in Saraakiisha jooga Saldhigyada Magaalada Muqdisho ay ogaadaan, masuuliyada dhanka ammaanka ka saaran.

Duqii hore ee Magaalada Muqdisho, ayaa cadeeyay in ciidamada ku sugan Saldhigyada Booliiska Gobalka Banaadir inaysan haysan rasaas, gaadiid iyo qoryo, oo iyaga qudhooda xitaa aysan isdifaaci karin, iskabadaa inay wax difaacaan.

Qorshaha amniga ee Madaxweynaha uu ku dhawaaqay ayuu sheegay Tarsan inuusan jirin hal Wasiir oo la fahansan, taasina aysan suuragal aheyn in ammaanka lagu sugo, isaga oo intaasi hadalkiisa raaciyay in habeenkii Magaalada Muqdisho la isdaba dhigo kudhawaad 40 gaari oo ciidan iyo qoryo ay ka buuxaan, wuxuuse su’aal dul dhigay in habeenkii Al-Shabaab ay buuxaan laamiyada oo la baadigoobayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
alllgalgaduud@gmail.com