Muqdisho, AGGM: Sheekh C/risaaq Maxamed Al-shcari Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Amaan darida ka jirta Magaalada Muqdisho ay tahay Habacsanaan dhanka Amnigaa oo haysata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Maamulka Ahlusunna Al-shcari ayaa sheegay in hadii Dowladda Soomaaliya ay ka Codsato Sugida Amniga Muqdisho Ahlusunna ay diyaar u yihiin in ay Gacan siiyaan oo Al-shaabaab ay Dagaal la galayaan.
Waxaa uu intaa ku daray in Ciidamada Ahlusunna ay yihiin kuwa sugi kara Amaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
C/risaaq Maxamed Al-shcari Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Ahlusuna ayaa sheegay in Weerarada iyo Dilalka Qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho ay Fududeeyaan rag ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Xariir laleh Al-shabaab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com