Dhageyso:Gen. Cabdixakiin Daahir Saacid Iyo Gen.Bashiir Maxamed Jaamac Oo Xilka Laga Qaaday.

0

Muqdisho, AGGM:Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta xilka ka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka booliska Sarreeye guuto Cabdixakiin Daahir Saacid iyo agaasimaha hey’adda nabad sugidda Sarreeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac, kadib weerarkii xalay lagu qaaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in taliyaha cusub ee ciidanka booliska loo magacaabay Sarreeye guuto Maxamed Sheekh Xasan ismaaciil, halka agaasimaha hey’adda nabadsugidda si KMG ah loogu dhiibay Gaashaanle sare Maxamed Cabdullaahi Xaamud, oo ahaa ku xigeenka taliyaha maanta xilka laga qaaday.

Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Cabdiweli uu amar ku bixiyay in taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir iyo taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir ay si toos ah u hoos tagaan guddoomiyaha gobolka Banaadir, Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Wuxuu tilmaamay in ra’iisul wasaaraha uu u jeediyay masuuliyiinta cusub ee laamaha ammaanka in ay si hufan u gutaan shaqada loo igmaday, isagoo xusay in xukuumaddu ay si joogta ah isha ugu heyn doonto xaaladda ammaan ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com