Muqdisho, AGGM:Maxamuud Axmad Nuur tarsan duqii horre ee magalada muqdisho ayaa kahadlay weerarkii shabaabku ay kuqaadeen madaxtooyada Somalia isagoo isweediiyay sida ay ugu suurtagashay in madaxtooyada ay weeraran alshabab.
Mudane tarsan ayaa war boggiisa twitter-ka soo dhigay waxa loobaahanyahay in lahelo shaqsi lagula xisaabtamo amaandarada magaalada kusoo laabaneesa .
Waxa uu sheegay tarsan in loobaahanyahay hab cusub oo lagu sugo amaanka magalada muqdisho hadii kalle dadku ay kalsoonada kala laaban doonaan dowlada Somalia taasina ay noqon doonto xaalad adag.
“Dowlada waxay ubaahantahay iney dib u’eegis kusameeso amaanka hadii sidaasi aysan dhicina waxay wajaheesaa caqabado amaan”Sidaa waxaa yiri gudoomiyihii horre ee gobolka banaadir Tarsan.
Xiligii Maamulkii tarsan ayaa magaalada muqdisho waxay umuuqatay iney tahay mid amaankeedu yara xasiloonyahay balse haatan weerarada iyo qaraxyadu waa kuwo xili kasta magaalada kadhacaya .
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com