Dhageyso: Gen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini “Haddii Ay Jiraan Ciidamo Tayo Leh Iyo Xog Isweeydaarsi Maysan Dhacdeen In Nabad Diidku Weeraraan Madaxtooyo”.

0

Muqdisho, AGGM:Gen.Taliyihi Hore ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini oo u wareeysi siiyay idaacada VOA ayaa waxa uu sheegay in weerarada Al Shabaab ee Madaxtooyada ay sabab u tahay wada shaqeen la’aanta u dhexeeysa hay’addaha amaanka, mar walba waa la ogyahay in ay nabad diidku weerarayaan meelaha muhiimka u ah Dowladda.

Gen. Diini “Waa in dhamaan hay’addaha dowladda ay xogta isdhaafsadaan islamarkaana ay wada shaqeeyaan taas ayaana looga hortagi karaa weeraradada kooxda Nabad diidka, ciidamo shisheeye waxba ma ay ka qaban karaan xaalada Soomaaliya balse waxaa wax ka qaban kara iyadoo Ciidamada Dowladda Soomaaliya la tayeeyo, taa ayana lagu gaari karaa horumar dhanka amaanka ah”.

Mar la weeydiiyay Sareeye Gaas Diini in ciidamada Dowladda aysan heysan wax daryeel ah islamarkaana aysan qaadan wax mushaar ah ayuu waxuu yiri “Ciidamda Soomaaliyeed waa dad iimaan leh oo ay ka go’an tahay difaaca dalkooda, IGAD, beesha Caalamka waxaan leeyahay waa in loo dhisaa ciidamada Soomaaliyeed Moraalkooda lana tayeeyaa”.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Gen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com