Muqdisho, AGGM:Doon ganacsi oo u rarnayd ganacsato Soomaali ah ayaa ku degtay xeebta Yemen ee Badda Cas.
Doontu waxay ka soo ambabaxday dekedda magaalada Dubai ee dalka Isutagga imaaraadka carabta, waxayna ku socotey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida uu Bar-kulan u sheegay Liibaan Yuusuf oo ah wakiilkii doonta.
Liibaan ayaa intaas ku daray in doontu ay sidey kun iyo shan boqol oo tan oo ka koobnaa; Shidaal, qalabka dhismaha, baabuur iyo bagaash, kuwaas oo aysan jirin wax ka badbaadey.
Wasiirka gaadiidka iyo dekedaha ee maaulka Puntland, Cabdullaahi Jaamac Saalax oo Boosaaso ku qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in doontu ay sababsatay dabaylaha xooggan ee xilliga xagaaga, lagana badbaadiyey oo kali ah shaqaalihii saarnaa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com