Muqdisho, AGGM:Isagoo Wareysi Siinayay BBC da qaybta la hadashay Soomaalida ayuu Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Siciid C/laahi waxaa uu ka hadlay Tira Koob uu sheegay In Wasaaradiisu ay ku sameysay Bulshada Soomaaliyeed Guud ahaan Tira koobkaas oo ay ka qayb qaatay qalabka satarleydka .
Maanta Waxaa ay ku Beegan tahay Maalinta caalamiga ah Ee Tira Koobka Dadweynaha Caalamka Waxaana Wasiirku uu Hadalkiisa ku soo Aadiyay Maalintaan Waxaa uu sheegay in Tira koobkaas oo aan ahayn kii ugu Dambeeyay ay Natiijada ka soo baxda Dhawaan Wasaaradiisu soo bandhigeyso.
Wasiir Saciid ayaa sheegay in Tira Koobkaan ay u adeegsadeen Qalab Casri ah iyadoo Goobaha aysan Dowladdu tagi Karin lagu Ogaaday Qalabka satar laydka iyadoo ay Gacan ka siisay Tira koobkaas Hay,ada UNka u qaabilsan Barnaamijyadaan Tira koobka aduunka .
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com