Dhageyso:Wasiirka Arrimaha Dibedda “Dad Kor U Dhaafaya Todoba Kun Ayaa Haysta Baasaboorka Diblumaasiga”.

0

Muqdisho, AGGM:Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Xukumadda Soomaaliya Dr,C/rixmaan Ducaale Bayle oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in si Sharcidaro ah loo isticmaalay Baasaboorka Diblumaasigaa ee Dalka.

Wasiir Balye ayaa sheegay in Dad kor u dhaafaya ilaa 7,000 kun oo aan loogu talo galin ay haystaan Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Dalka,taasna ay tahay Sharci daro.

Dr. Bayle Wasiirka Amuuraha Dibada Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay ku dadaaleyso sidii ay oga soo Aruurin lahayd Dadka Qaatay Baasaboorka ee aan loogu talo galin.

Isku soo wada duuboo Shalay ayay ahayd markii kulan ay golaha Wasiirada Soomaaliya yeesheen waxaa lagu Amray Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya in ay Go’aan ka gaarto Cida Qaadaneysa Baasaboorka Diblumaasigaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com