Waxaan ahaay cunug yar oo itaal yaridu ka muuqatay, balse, maskax furnaa, kuna firfircoonaa wax barashada, dhug badanna lahaa. Markii aan rabo in aan aado dusiga Quraanka waa in aan Salaadda Subax intaan la Addimin ka sii kacaa, waxaan ka soo nixi jiray hurdada, calwasaad badan iyo qaraw dheer ka gadaal, taasoo ay iigu wacneed garaacii Mucallimkii dugsiga iyo ku goobashadii ciyaalkii dugsiga Quraanka. Aabbeheyna si uu iiga kiciyo hurdada biyo qaboow ayuu wajiga iiga shubi jiray, jeedal dheer oo markaan ku dhex arko xaafadda dhaxdeeda Wadnuhu i gariiri jiray ayuuna igu kocon jiray.
Carruurnimadeydii waxaa hareeyay ciil iyo cuqdad nafsi, ma aanan laheyn wadaay aan u xog-sheegto waxa ka guuxaya caloosheyda, waxaan ka soo qaaday nafteyda cunug aan lahayn hoodo iyo ayaan, oo laga xayiray dhiirrigelintii iyo guubaabintii, iin iyo xumaan oo dhan anigaa lahaa, xaafadda iyo dugsiga inta kale qaladkooda il ma aragto ayey ahaayeen.
Cabburin iyo cadaadis dheer ka bacdi, waxaan dhammeeyay soona afjaray barashadii Quraanka, waxaan billaabay in aan saluugo kana biyo diido awaamirtii faraha badneed ee ehelkayga.
Waxaan isku badalay saaqid macangag ah, oo talo iyo tusaalaba qofna aan ka qaadan. Aabbehey oo ahaa askari adadag gacantuna ka soo horreyso ayaan biyaha hoostooda iska araganay, waanooyinkiisiina waxay isku badaleen waydiimo iyo war-celin dhex marta aniga iyo isaga, taas oo Aabbe ku noqotay amakaag iyo wax uu la fajaco, waxaana isbadalay qaab nolaleedkaygii sida jarashada tintii, labbaiskaygii iyo la haasaawaynta dhallinyarada fallaagowdey.
Waxaan ka dhexlay qaab nolaleedkaas cabitaanka sigaarka iyo ruugidda haraadiga qaadka iyo ku gaaf wareegidda goobaha lagu iibiyo qaadka iyo sigaarka.
Muddo dheer ayaan dhex muquuranayey nolashaas adag, ka dib waxaan go’aansaday inaan iskaga soo hayaamo dalkii iyo degaankii, daruuf iyo layac dheer ka bacdi, anigoon qof kala tashan tab iyo taagna meel ii oollin, intaan ku soo jiray safarka waxan la kulamy silac iyo saxariir dheer, waxaana isku badalay qof qabatima maan-dooriyaasha nuucyadooda kala duwan.
Waxaan soo caga dhigay wadanka la yiraahdo Talyaaniga, ka bacdi xabsi iyo jir-dil, ciqaabid iyo af-lagaaddo aan ku soo qaatay xabsiyada Liibiya. Talyaaniga markii aan imaaday waxaan arkay bulsho iga xoog badan, oo aan la qabsan waayey nolasheeda, afkii wadankana garan maayo, isdhexgalka bulshadana ma fahmin waxa loola jeedo, waxaa igu xirneed baqdin ah gaalkaan iska jir, waxay i dhahaanna waxaan u qaadan jiray bil caksi, mana aamin marna, malintii sharciga waddan ku joogista la i siiyey ayaa waxaa la igu war galiyey in aan ku soo dhawaado waddanka Talyaaniga, la iguna yiri;
“Noolow oo xamaalo, aayatiinkaaguna gacantaada ayuu ku jiraa” anna waxaan ugu jawaabay af-Talyaani jajab ahaay waxaana ku iri;
“Arsaaqaddeyda Allaah ayaa ka faala qaaday” ima uusan fahmin, ee wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey; “Mahadsanid, nasiib wacan ayaan ku rajayhaa“.
Maalmo ka bacdi waxaan waayey meel aan jiif iyo qubays ka helo, waxaan billaabay in aan cuntada u doonto goobaha lagu quudiyo dadka saboolka ah iyo wayeellada aan mushaarkoodu ku filnayn, wixii qarash ah oo aan helana waxaan billaabay in aan ku cabbo khamriga, waxaana jiifka u doontaa dhismooyinka gaboobay, waxaan waayey wax ii hiilliya, waxaana ku dhex lagdamaayay nafsadeyda awoodda waxa xun iyo waxa san.
Waxaan iska dhaadhiciyey in aan haleeli doonin dhadhanka nolasha, waxaanna la saaxiibay Eeyo iyo duul aan la garaneyn, sidaas oo ay tahay waan faraxsanaa, oo waxaan cuno iyo waxaan cabbo ma wayn jirin, caafimaadkayguna wuxuu ahaa mid hagaagsan, balse, reer iyo aayatiin dambe waa waxyaabaha aan fahmin wali waxa loola jeedo, sahmintii nolashana in aan ku guul daraystay oo yool iyo nuxurkii ay laheedna aan gaari waayey, wax kastana ila sahlan yihiin sida geerida iyo nolashaba, maxaa yeelay, haddii aan ka tago dunidaan dheef iyo dhaxal midnaba inaan la iga helayn ayaan aminay, oo waxaan ku saleeyay nolasha aan ku suganahay haatan in aan u nolaado sida cimilada is rogrogidda badan.
W/Q; Abdi-aziz M. Shidane