Dhageyso:Wasiirka Ammniga Qaranka Oo Maanta Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay.

0

Muqdisho, AGGM:Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg ayaa maanta xilka kala wareegay wasiirka gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo si KMG ah u hayay xilka.

Xafladda oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday golayaasha dowladda.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay xafladda ayaa wasiirka cusub kula dardaaray in uu xil weyn iska saaro gudashada waajibkiisa, isla markaana uu dardargeliyo howlaha Amniga Qaranka.

Khaliif Axmed Ereg ayaa ka mahadceliyay sida xilka loogu wareejiyay, wuxuuna ballan-qaaday in uu la imaan doono isbeddel dhanka aminga ah, isagoo xusay in uu wax badan ka qaban doono dhibaatada amni-darro ee ka jirta Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com