Muqdisho, AGGM:Wasiirka ayaa sheegay in kulamo labo cisho qaatay uu la yeeshay mas’uuliyiinta dalka Spain, wuxuuna shaagay in ay ka wadahadleen lacag gaaraysa 4 milyan oo doollar oo ay 2010-kii dowladda Spain u ballan-qaadday Soomaaliya.
Wuxuu xusay in dowladda Spain ay donayso in lacagtaas lagu maalgeliyo mashruuca dowladda Soomaaliya ee lagu magacaabay ‘Qoriga dhig Qalinka qaad’.
Cabdiraxmaan Ducaale ayaa tilmaamay in sidoo kale ay kulamo la yeesheen kooxda maamusha fikradaha dalka, isla markaana ay u ballan-qaadeen in ay dowladda Soomaaliya ka caawin doonaan dhismaha xarumo waxbarasho, gaar ahaan jaamacadaha iyo xarumaha farsamada gacanta.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com