“The Future belongs to those who prepare for it today”-MalcomX
GOGOL-DHIG
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariiisina Nabigeenna Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Intaa kabacdi, Aqristoow waxaa ay waxgaradka Soomaaliyeed aad uga cabsi qabaan MaamulBeeleedyadan lagu sheego “Federalism” iyo dagaallo baaxad weyn ee uu dhaliyo, una dhaxeeyndooda qeeybtiisa hore Maamul-Beeleedyada midkastaahiba ka dabqaato lagana taageero caasimadaha shisheeye sida Nairobi iyo Adisababa, waa hadii xitaa Al-Shabaab meesha ka baxaan’e.
Waxeey sidoo kale leeyihiin Qeeybta 2-aad ee dagaalladan ayaa waxeey ka dhex qarxi doonaan Maamul-Beeleedyadaa gudahooda, oo sii kala Jabidoona, oo Beel-Beel iyo Jufo-Jufo hoosaad isugu qabsandoona Saldano aan jirin iyo Manfac
dibadeedna isugu leeyndoona.
Waana qorshihii yoolka fogaa ee awalba laga lahaa, markii ummadan qoorta loo galinayey nidaam ku sheegan Maamul-Beeleedyada. Sida caadaduba aheydna dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafey, Soomaaliya marka eey mushkilo dhexmaquuraneeysaba, midkaloo kasii halis badan ayaa loosii maleegi jirey, si Tiiha eey ku jirto aaneey uga bixin100-ka sano ee soo socota uguna sii jirto dhibka, silica, saxariirta, dagaallada dhiigu ku qulqulayo, qaxa iyo qaxootinimada, barakaca, sharaf dhaca, dhaawaca iyo dhimashada joogtada ah……IWM.
SIRIQDA SOOMAALI LOOSII MILQAY!
Waxaan Federaal-ku-sheegan sanad ka hor (June 2013) ka sameeyey qormo ciwaankeedu ahaa “FEDERAAL, DOWLAD-GOBOLEEDYO IYO QABYO-QORAALOOW DANTEE LA IDINKA LAHAA?!” taasoo aan ku iri, “Nidaamka Federaal-ka waxaa sidiisaba isticmaala caalamka 20+ Dowladood oo nidaamkaa qaatey.
Dhammaantoodna dadka dowladahaasi ku dhaqani waa kuwo kala Diin ah, kala Dhaqan ah, kala Isir ah. Caalamka kama jirto dowlad sideena oo kale ah, oo isku Isir, Diin, Dhaqan, iyo Luqadba ah, haddana, Federalism ayaan ku dhaqmeeynaa leh, ama oggolaadeyba markii qoorta loo surey intaba”.
Waxaan maantana idin siinayaa tusaalooyin iyo daliilo kaloo cad cad oo ku tusinaya in Federal-Ku-Sheegani ama “Maamul Beeleedyada” aaneey dan u aheyn Qarankeena, iyo in Ummaddeena uu sii kala fogeeyo maahane aanu isu soo dhaweeyneyn marnaba-Waa hadii tusaalooyinkani ay dadkeena ku filanyihiine-U fiirso:
Maamul-Beeleedka Puntland, waxeey taaganyihiin “Dowlada Dhexe Xiriirkii baanba u jarney, waana meesha xaalka haddadan uu taaganyahayba, iyo waliba cidda aan u dhalan gobolka ayaa nabad-darida u sabab ah, ee ha isaga baxeen! Malaha waxaa kusoo xigta, sida Nairobi-ba ka dhacdey AJAANIBTA ha isaga baxeen, mana aqaan waxa markaa Nairobi iyo Garowe eey ku kala duwanaanayaan hadii taasi dhaboowdo!
Dhinaca kale isna bal fiiri, Maamulka-ku-meelgaarka ah ee JUBBA ee xooga ay ku heystaan MALEESHIYO Beeleedka Jabhadda RAASKAMBOONI, mudo dheer ka bacdi heshiis-ku-sheegii waxba kama dhaqangalin oo wali Kenya iyo maleeshiyo Beeleedkaa ayaa garoonkii iyo dekedii wada heysta, dhuxusha UN-tu xannibteeyna ka wada dhoofsata maxaayeelay waa “Hot Cash”, wax wareejin la dhahana ma jiraan-Mana jiridoonaba-Sida heshiis-ku-sheegu dhigayey!.
Waxeey mar dhow taagnaayeen dowladuba masoo dagi karto, Waziiro Airport ku go’doomin IWM.Waxna iskama badalin illaa iyo ilbiriqsigan aad line-kan aqrineeso xaalku waa sidiisii.
Dhanka Koofur Galbeed qaarna maamul beey dhisteen 6-Gobol ka kooban oo intooda badan eey ku mideeysanyihiin madaxweynana uu ka yahay Madoobe Nuunoow.
Waxeeyna weerar ku yihiin mustaqbalka dhow Maamulka-ku-meelgaarka ah ee ay xooga ku heeystaan maleeshiyo beeleedka jabhadda Raaskambooni ee Axmed Madoobe uu hogaamiyo, oo ay ku hamminayaan in 3-da Gobol ee uu xoogga uga heeysto ay kasoo xureeystaan! Kuwa kalana waxeey shirar badan oo Shariif Sakiin madaxweyne loogu rabay balse dhicisoobay ay walaalkii Madaxweyne ugu doorteen kaasoo 3-Gobol ah, Kan dambe wuxuu ahaa midka DFS, Ethiopia, Kenya iyo IGAD ay wada ictiraafayeen una wada ololeeynayeen, oo gadaal kawada riixayeen.
Waloow Muqdisho khalad weyn uu ka dhacay, oo wax heshiis lagu sheegay lagu jacburiyey, hadana waa hubaal in labadaa maamul aaney meesha ka wada dhisnaan doonin, oo ugu dambeyn xabbada la isa suridoono, hadaan Alle duulkale u bixin, oo caqligu aanu shaqeyn. Allow Sahal.
Dhinaca kale Maamul-Beeleedka Soomaliland, waxaan isaga qormo ka sameeyey May, 2013 ciwaankeeduna ahaa:QADIYADDA GOONI-ISU-TAAGGA SOMALILAND IYO CAQABADAHA DHABTA AH EE HORYAALLA (Qeybtii: 1-aad), Waxaan qormadaa ku iri,Bal u fiirso 20+ka jago ee ugu sareeysa waxaa wada heeysta oo isku wada koobey hal reer, ka biloow: Madaxweynihii, Hogaamiyeyaashii dhamaan sadexda urur ee ugu waaweyn ee Mucaaradka, (ileyn sadexdaa urur ee waaweyn hogaankooda ayaa intabadan uun fursad Madaxweynenimo heli kara’e), Waziirkii Arimaha Dibada, kii Gudaha, iyo Waziirada inta badan uguna muhiimsan, hogaamiyaha ciidamada sida:
Hogaanka Militery-ga, madaxa Police, madaxa Sirdoonka- Si beelaha kale isugu baqaan, “Intimidation”, looguna isticmaalo markii dani bido, sida gobollada qaar hadaba ka socota- Maxkamadii Sare, Madaxdii Golayaasha Maamulka, Wakiilada iyo Guurtidaba, Dhamaan Wakiilada Dibadaha u jooga ….IWM. dhamaan waxaasoo dhan bal malee waa hal reer. Sidaa ayeyna “Kala qeeybinta dalka” ku doonayaan iyo waxa “Ictiraafka” lagu sheego.
Dhamaan Maamul-Beeleedyada kaloo dhanna waa lamid. Wax ay is dhaamaan malaha.Waloow aaney isku mug aheyn, balse dhirirka qoraalka ayaan inoo wada saamaxeyn.
Waxaas oo dhan iyada oo ay jiraan, ayey hadana dadka qaar waxeey wali ku hayaan, oo isaga program-san in nidaamka Maamul-Beeleedku “Federal System” uu ummadeena isu soo dhaweeynayo.
Waxeey lasooboodaan, “Waa sida lagu kala badbaadi karo”, iyo “Qabiilkastaahi deegaankiisa ha nabadeeysto, ha dhisto,
danahiisana haka tashado”, dabcan cidii eey rabaana hakala tashadeen sida Ethiopia, Kenya…..IWM, taasi soow ma aha dhamaadka jiritaanka qaran Soomaaliyeed oo mid ah, “The end of Unified Somali statehood”.
Dadka qaar markii eey arkaan cid diidan nidaamka Maamul-Beeledyada “Federal-ka”, waxeey durbadiiba darbiyo ugu soo gambadaan cuqdad qabyaaladeed oo gaamurtey, cidii la sheekeeysataahina fahamikareeyso meesha eey ka duulayaan.
Waxeey yiraahdaan 23-kii sano dhibka Soomaaliya [Hal Meel] ayuu ka socday, marka miyeeyna habooneyn dhibku [Meesha] uu ku badan yahay in xal loo helo intaan [Melaha kale] loo gudbin.
23-kii sano oo ay Soomaaliya dhibka ku jiray, wuxuu dhibka u badnaa [Dadka] koonfurta ku nool, miyey garan wayeen 23-kaa sano waxay isku dilayeen waxa uu yahay! Mise miyaa lawaayey dad caqligoodu taliyo oo xal raadiyo! [Dadkaa] mar hogaamiye kooxeednimo ayey isku dilayeen, kadib Wadaado ayaa kasoo dhexbaxay, wali dhibku wuu taaganyahay, marka [Halka sartu ka quransantahay] soow ma aha in xal loo helo. Dadka qaar hadalladaa aad beey uga dharagsanyihiin.
Marka aan Qaran dantii iyo Federal ka hadalno, waxeey kugula noqonayaan Cantara-Baqaashka iyo Dayaacadaha “Gobollada gaar” caanka ka ah ee Qabyaalada ku dhisan ee dhahaya, [Reer Hebel] maamul ma dhisankaraan iyo innagaa
nidaam dhisankarrna oo maamul naqaana.
Meesha maangaabtu ka hadlayaanse, iyo meesha waxgaradku ka hadlayaahi ee ah [DALKA] Federal dan ma u yahay mise uma aha? Iyo sida eey hoos iyo wax laga faano ugu siidagayaan, waa kaaf iyo kala dheeri.
Su’aalaha isweydiinta mudan ayaase waxeey yihiin marka dadka qaar leeyihiin “Federaal-ku” xal ayuu Soomaaliya uyahay kaasoo isu keenikara Soomaali, waa su’aale hade maxaa daliil u ah? Maxaana cadeeyn ah? Illeyn caksigeedii waanba soo sheegnaye? Ma innagaa inta iska dhahno, hadana isku qancina sidiisana u laqeeyna? Tan kale waxeey yiraahdaan, “Maanta Ummada Soomaaliyeed diyaar uma aha iney DowladDhexe oo awood leh sameystaan” iyana yaa yiri? Miyaaneey xaqiiqda dhabta ahi aheyn in Maamul-Beeleedyo xal aaney u aheyn dalkan, sida tusaalooyinka kor ku cad? Miyaaneey tusaalooyinkaa ku tusineyn in dadka uu sii kala fogeeyo ma ahane aanu isu soo dhaweeyneyn? Bal aan is weydiinee maanta muxuu isu soo dhaweeyey xitaa hadii aad tusaalooyinkaa iska indho tirto? Fikrada Maamul-Beeleedyada “Federalism” waxaa la jadbeeysan markastana difaaca [Hal Reer].
Waxaana laga difaacaa [Gobollada Reerkaasi dagaan], ereyadaana dhalinyarada waa loomeeriyey oo lagu shubey. Malaha Siyaasiyiin baa ku tiri MaamulBeeleedyada “Federalism” waa danta reekeena. Meeshaa ayaad waxwalboo khaldan ka fahmikareeysaa,.
Runsheegse waa ceeb sheeg.
Bal Aqristaha sharafta badanoow, shaxdan Maamul-Beeledyada fiiri, kadina isweydii dooda harteyba! Waa su’aal da’weynoo madaxa daalineeysee, sidan ma inoo danbaa? Mise sidan ayaa qaran mid ah oo inoo wada ilaalinkara danaha guud ee ummadeena ka dhexeeeya lagu helayaa:
1-Maamul-Beeleedka: SOMALILAND ee Beesha ISAAQ
2-Maamul-Beeleedka: PUNTLAND ee Beesha MAJEERTEEN
3-Maamul-Beeleedka: GAL-MUDUG ee Beesha SACAD
4-Maamul-Beeleedka: XIMAN IYO XEEB ee Beesha SALEEBAAN
5-Maamul-Beeleedka: KHAATUMO STATE ee Beesha DHULBAHANTE
6-Maamul-Beeleedka: AWDAL STATE ee Beesha CIISE
7-Maamul-Beeleedka: MAAKHIR STATE ee Beesha WARSANGALI
8-Maamul-Beeleedka ku-meelgaarka ah ee JUBBALAND ee ay xooga ku heeystaan maleeshiyo beeleedka Ogaadeen ee jabhadda Raaskambooni.
9-Maamul-Beeleedyada: KOONFUR-GALBEED (6-DA GOBOL) ee Beelaha DABARRE
10-Maamul-Beeleedyada: KOONFUR-GALBEED (3-DA GOBOL) ee Beelaha ASHARAAFAllow sahal Amuuraha!
GABAGABO IYO GUNAANAD
Ereyada ah “Qolokasta deegaankooda ha utashadeen, iyo Federal-ku waa sida kaliya ee lagu kala nabadgalayo”, waxaad u maleeysaa in dadka qaar loosoo meeriyey ama lagu soo shubey (Programmed like a Computer), mar aad eegto sida eey ugu celcelinayaan. Waxaase ka hoos baxsan dadkaa in dalku yahay Qaran mid ah, dano uu ka wada mideeysan yahayna leh, oo eey tahay in uu wada ilaashado. Kuraas caalami ah oo hal qofi in uu ugu wada fariisto ay tahayna eey jiraan, iyo dhinaca kalena cadow iyo saaxiibo ka Dal ahaan uunu uleenahay oo eey tahay in eeynu si mideeysan ka qaran ahaan u wada waa waajahno ay jiraan.
Maamul-Beeleedyo xuduudo isku wada heeysta, ee midkastaahi Ethiopia iyo Kenya ay dalka ka wada dhexsameeysteen danahooda u gaarka ahna ku wada fushanayaan, qarankeena dan uma aha, laakiin qof sidii Computer wax loogu shubey ee aan maskax u gaar ah wax ku falanqeeyn kareyn ee ereyadaa uun ku dhagan waxba isla keeni meeysaan. Balse Xukuumada iyo Baarlamaanka maanta jira xilbaa ka saaran sidii eey nidaamkaa gabi’ahaantiisaba meesha uga saari lahaayeen, cidkastaahiba haka hor imaatee, ileyn shalayba ragbaa loosoo dhiibey, guntigana ugu xertey sidii eey ku meel marsiin lahaayeen’e.
Mahadsanidin
C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”
Maamulaha Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha, Barena ka ah isla qeeybtaa ee Al-Madinah International University, Malaysia. abdulkadirphd@hotmail.com.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com