Muqdisho, AGGM:Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo mar soo noqday guddoomiyaha baarlamaankii KMG haddana kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin habayaraato’e wax howl ah oo saxan oo uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu qabto waqtigan xaadirka ah.
Xildhibaan Cismaan Boqore ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Baarlamaanka kala fadhiyadiisa ay furan yihiin saa oo ay tahayna aysan jirin wax shaqo ah oo la qabto iyadoo ay yaallaan shaqooyin fara badan oo u baahan in la qabto.
Isku soo wada duuboo Xildhibaan Boqore ayaa Sidoo kale waxa uu si aad ah u dhaliilay guddoonka Baraalamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad hurda oo aan wxba ka qaban karin howlaha shaqo ee horyaala.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com