Dhageyso: Xildhibaan Dalxa Oo Ka Hadlay Dilka Xildhibaanada Saado Cali Warsame.

0

Muqdisho, AGGM:Iyadoo Daqiiqado kahor Kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada muqdisho Xilibaanad Saada Cali Warsame ayaa waxaa kasoo baxaya faah faahino Dheerad ah Qaabka uu Udhacay Dikeeda.

Xilibaan Maxamed Cumar Dalxa oo goordhow lahadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay goor dhow maqleen in Ladilay Xilibaanada Saado islamarkaana ay aad uga xun ihiin isagoona shegay in fanaanada Aheydna mudane katirsan baarlamaanka ay Katimid Wadanka Mareykan ka oo muda ay kunooled balse manta lagu dilay iyada iyo darawalkeeda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Xilibaanad Naciima Axmed ayaa sidoo kale Xaqiijisay gerida Ex-Xilibaanad Saado Cali Warsame oo iyadoo sheegtay in rag hubeysan ay ku rasaaseeyeen gaarigeeda xili ay joogtay meel kudhwo sarta tareebyaano wadada maka Al-Mukarama Ee Magaalada Muqdisho.

Dilka Ex-Xilibaanad Saado Cali Warsame ayaa waxaa uu kusoo aadayaa Xili Shalay Ay Fasax Galeen Mudanayaasha Baarlamaanka oo Mudo bil ah hakad uu kujiray fadhiyadoodii caadiga ahaa kadib markii ay lasoo deristay Cabsi Dhanka Amaankooda ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com