Wasiirka Waxbarshada Puntland Cali Xaaji Warsame oo ka qeyb galayey munaasabad kadhacday Garoowe ayaa sheegay in ay aad u liidato tayada macalimiinta waxka dhiga deegaanada Puntland.
Wasiirka ayaa xusay in wasaarada waxbarashada Ountland ay qiimeyn ku sameysay tayada macalimiinta Puntland iyo in ay heystaan tababaro fiican, balase waxa uu tilmaamay in marka sadex qeybood loo qeybiyo labo kamid ah aaney laheyd xirfada macalinimo una baahan yihiin in tababaro fiican ay helaan.
Puntland ayaa dhawaanahanba dib u habeyn ku sameynesay waxbarashada deegaanadeeda iyadoo ay jiraan siminaaro kor loogu qaadayey tayada macalinka si wabarshao fiican ay u helaan ardayda deegaanada Puntland