Hadalka Garaad Abshir Iyo Habowga Garoowe Yaan Lagu Habsaamin! By Abdihakiim Diiriye Jaamac

0

Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah odayo-dhaqameedka Khaatumo,isla markaana goob joog ka ahaa aasaaskii maamulka Khaatumo ee shirkii Khaatumo-3,ayaa shalay (1 august 2014),lagu casuumay xaflad magaalada Garoowe loogu sameeyey markii la aasaasay maamulka Ex Puntland,oo ahayd mudo 16 sano ka hor ah.

Xafladaas oo sanad walba la qabto ayaa si lama filaan ah waxa mikirifoonka loogu soo dhoweeyey Garaad Abshir oo mudo hada intii ka soo laabtay qurbaha,lana qabsaday Taleex ku sugnaa magaalada Garoowe,isagoo halkaas ka degan guri uu hore u degenaan jirey ,balse uu ka maqnaa hada mudo,isagoo hawlo caafimaad ugu maqnaa magaalada Stockholm ee cariga Sweden. Garaadka oo ka mid ahaa wafti diyaaarad ka soo qaatay magaalada Muqdisho,oo ka soo degay Taleex ayaa qabsashadii Taleex kadib toos u aaday magaalada Garoowe,isagoo aan ilaa iyo hada gaadhin deegaanada kale ee Khaatumo oo dadka doortay ee uu Garaadka u yahay ee ku sugan deegaamada ay ka midka yihiin Widhwidh,Balicad,Banyaal,

Balidocol,iyo kuwo kaleba ay baahi weyn u qabaan Garaadka ,balse uu ka door biday inuu dhanka Garoowe u shiraacdo isaga iyo rag kaloo badan oo ka mid ahaa wufuudii Taleex ku sugnayd ay hada iska fadhiyaan Garoowe oo aanay qayb ka ahayn xoraynta iyo abaabulka shirka Khaatumo3.

Garaad Abshir oo aan u hayo xurmad badan ayaa xafladii Puntland ee uu shalay ka qayb qaatay ama uu ka khudbadeeyey waxa ugu horeyn su’aasha is weyndiinta leh ay tahay in lagu casuumay Garaadka iyo raga kale ee reer Khaatumo inay yihiin wufuud Khaatumo ah ,mise waxaa lagu casuumay iyagoo ah odayaal reer Puntland ah,mase la ogaayeen Garaadka golaha dhaqanka ee Khaatumo tegitaankiisa xafladaas,mise sida ay meesha u fadhiyeen Dabagooye iyo Saleebaan Garaad Maxamed ayuu isna u fadhiyey?..Su’aalahaas hadaynu helo jawaabtooda,oo aan sii faaahfaahinee Garaadka lagu casuumay isagoo ah oday ka wakiil ah Khaatumo ,isla markaana ay is ogaayeen golaha dhaqanka ee Khaatumo wuxuu haystaa Mandate,hadiise Garaadka lagu casuumay sida odayaasha kale ee maammulkaas daacada u ah,oo lagu casuumay isagoo oday Puntlander ah waa arin khatarteeda leh,oo u baahan in la kala cadeeyo.

Hadaan eegno Garaadku hadalka uu meesha ka jeediyey oo runtii ahaa hadalo geesinimo leh oo markii ugu horeysey uu Garaad Abshir noqday Garaadkii ugu horeeyey ee Garoowe ku sugan oo dhiirada,ayaa muujiyey inaanu sida raga kale(Dabagooye iyo Garaad Saleebaan) Khaa’in,halkan u yimid hunguri,balse maadaama uu hore maamulkaas u taageersanaa,hadase Khaatumaysan yahay,uu u baahan yahay caawimo tolnimo oo maamulkaasi ka geysto xoraynta iyo dib u hanashada deegaanada Khaatumo ee ku jira gacanta Somaliland,isagoo garaadku arintaas aad ugu celceliyey oo dadku ka dhiibteen macnayaan kala duwan,iyadoo dadka qaar u arkeen nin daacad ah oo tolnimada aan weli ka quusan,oo ay dhici karto in maamulka Puntland ogolaado maamulka Khaatumo ,isla markaana ku caawiyo in maamulka Khaatumo ay dhulkooda hantaan.balse su’aasha imaanaysaa waxay tahay waa maxay waxa uu Garaadku ama Khaatumo ugu bedelayso caawimadaas ay fidin doonaan..waa hadayba fidiyaane maamulka Puntland marka dhulka la xoreeyo,ma maamulkii Puntland baa dhulka lagu wareejin doonaa marka ay si wadajir u wada xoreeyaan labadaas maamul,mise Khaatumaa dhulkeeda ka talin doonta,waa su’aal u baahan in la qeexo.

Dhanka kale dadka qaar oo ah intooda badan ayaa 8 sano kadib markii Laascaanood la qabsaday quustay oo aan wax hiil iyo caawimo toona ka rajaynayn maamulkaas Puntland,oo aaminsan in maamulkaasi hadii dibin-daabyada iyo lacagta uu ku bixinayo kala qaybinta dadka reer Khaatumo keliya uu joojiyo aan wax kale looga baahnayn,waxayna u arkaan in Garaadku aanay ahayn inuu baryo ama wax caawimo ah weydiisto maamulkaas,taasoo aan horay looga baran ,hadana rajadu ay aad u yar tahay.

Dadka reer Khaatumo ayaa u arka in Garaad Abshir ay ahayd inuu tago Saaxdheer iyo deegaanka Khaatumo oo ka qayb qaato halganka iyo shirarka socda oo halkaas Khudbadihiisa ka jeediyo oo xoojiyo Garaadada kale ee hadh iyo habeenba u taagan waxaan danta umada khaatumo ahayn,oo naftooda iyo maalkoodaba u huraya deegaankooda iyo dadkooda.

Magaalada Garoowe oo ah meel ay joogitaankeeda Garaadada Khaatumo in laga soo saaro ay ku baxday juhdi badan wakhtigii la qabanayey shirkii hore ee Khaatumo2,hadana ay nasiib daro tahay in ay ku noqdaan Maxjarkii iyo meel ay aad ugu liitaan oo aan deegaankoodii ahayn,oo ay welib aka qayb galaan sanadguradii ka soo wareegtay aasaaska maamulkii dadka Khaatumo ka baxeen ee Ex Puntland,iyadoo ninkii halkaas ka khudbadeeyaba lagu shaanbadaynayo inuu yahay oday reer Puntland ah,oo ka cabanaya maamulkiisii,balse damaashaadka qayb ka ah,maadaamada markii mikrifoonka loogu yeedhayey aan loogu yeedhin inuu yahay oday Khaatumo ah.

Magaalada Garoowe ayaa waxa lagu dilay Garaad Abshir walaalkiis ala ha u naxariistee Kornayl Nadalo,iyadoo aan ilaa iyo hada cidna loo qaban,magna laga bixin,iyadoo barqo magaalada oo dhan soo jeedo badhtamaha Garoowe lagu toogtey,iyadoo sidoo kale magalooyinka kale ee maamulkaas lagu laayey boqolaal rag ah oo kale oo ka soo jeeda deegaanka Khaatumo,balse aan cidna loo hayn.
Hadalka Garaadka yaa runtii ahaa hadalo lagu diirsado oo uu ku muujiyey tolnimo iyo geesinimo,balse jawaabtii uu Gaas iyo “Xigihiisu” ay bixiyeen ay noqotay hadalo aan qancin Garaadka iyo dadka Khaatumo oo ahaa kuwii horay loo odhan jirey,oo lagu sheegan jirey deegaanka Khaatumo inuu ka mid yahay Puntland,taasoo ah mid sii kala fogaynaysa dadka walaalaha ah ee deegaanka,iyadoo aanay marnaba suurto gal ahayn in dadka Khaatumo ay ka noqdaan go’aanka ay kaga baxeen Puntland,xataa hadii Puntland soo celiso Laascaanood,oo ay dhisteen maamul la mid ah maamulka Puntland oo la yidhaahdo Khaatumo oo taariikhda galay.
Hadaan nahay dadka shacabka Khaatumo waxaan codsanaynaa in Garaad Abshir uu noqdo Garaadkii ugu danbeeyey ee Garoowe khudbad ka jeediya oo ay khudbadahooda iyo taladooda deegaanka ka jeediyaan oo mid waliba dadkii doortay la joogo oo u adeego,oo aanu martoi ku noqon deegaano kale.

Waxaan ku soo koobayaa gabaygii AUN Halyeygii soomaliyeed ismaaciil Mire:

Ninkii weligii diinta banaan,daacad ugu sheega,
Dariiqii rasuulkii ninkii,diirka uga qaada,
Daw kulama soo baxo cilmiyee,waa la diriraaye,
Doofaarraduu wadan jiruu,dila yiraahdaaye
Iyaguna markaasey ku didi,diidi mahayaane,
Bal in meesha lagu doorsan yahay, waxu daliilkiiya,
Duqaydii badnayd ee ku lumay,duudsi iyo jeedal,
Dammanaanshahaa reer tolkay,loogu daw galaye
Sidii bay u daba roorayaan,daallinkii rogaye,
Doox iyo hadday nala deggan,degelka Buuhoodle,
Waxaan lagu durudrin Eebbahay,uma darraadeene
Sidii dumar dagaal iyo afxumo,uma dul qaataane,
Diyaar uma hadlaan wiilashii,dawladda ahaaye.
Hadday deris wadaagaan nin kale, dacal ma waayeene
Alla may iskaga soo durkaan,deris ma laayeene,
Daaroodka ay wada dhasheen,diriyo haabkiisa,
Daymadii Ilaah Puntland,nooga derejeeye,
Kuwa weli ku dabandeebayaan,duxi ka raacayne,
U digay oo u digay oo duulka waa, loo dan leeyahay,
Haddaan anigu daar dheer ka koray,oo daf idhi saaxil
Iyaba doortee daayeer gar cuna,kii dulleyn jiraye,
Dabada hayska raacshee,bal maan deysto hadalkayga,


Abdi-Hakiim Diiriye Jaamac
Contact:Hakiimd@hotmail.com

AGGM Masuul Kama Ahan Ra’yiga xogtan oo aan Il-wareed ka soo xiganay. AGGM waxay tixgelisaa fikirka iyo dareenka akhristayaasheeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com