Qormo Wax Badan Iftiiminaysa: Dowlada Soomaaliya Oo Xilal Ku Taxday Kooxdii Qaswadayaashii Dalka (QASWADE noqo ha lagu QIIMEEYEE!)

0

Dhaqammada gurracan ee Soomaali gaasiray gunta iyo guddoon xumada biday waxaa ka mid ah in had iyo jeer ay gar wadeen u yihiin kuwooda ugu liita ama ugu doqonsan dhan walba, xag hal abuur, xag hormarineed, xag wax soo saar iyo xago kale oo badan.

Haddana, ay mar walba yihiin MAHDIGA mashkulidda iyo macallinka munaasabadda, oo aan qofna ka daba hadli karin, xaajadan kaligii marooqsanayo.

Marka laga reebo inyar oo fara ku turis ah ma ahane inta Soomaalidu xusto ama ay u taqaan halyeey iyo hoggaamiye, mida an dullayn ama dagaal iyo u horseedin dirir kuma jiro, laga soo billaabo Maxamed Cabdille Xasan oo horjooge ka ahaa Alshabaabtii (Daraawiishtii) xilligaa, illaa laga yimaad Maxamed Siyaad Barre aabbihii burburka Soomaaliya, anagoon illaabin Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo kaalintii uu ku lahaa heshiiskii Caruusha (HIBEYBTII NFD) iyo kala qaybinta Soomaalida (SOMALILAND) burburkii ka dib. Sidoo kale, Maxamed Faarax Caydiid iyo dagaalladii sokeeye, qabqablayaashii ka farcamay dagaalka iyo wadaadaddi arxanka darraa ee Carabtu Soomaali ku sallidday, illaa laga soo gaaro kuwa hadda daarta madaxtooyda fadhiya.

Intaa aan soo xusay mid aan Soomaali dhimaal iyo u horseedin dhagxuma ma jiro, haddana, waa taayoo Soomaali laga fujin la’yahay, oo ka dhigan inaan nahay bulsho kii dhiba kaliya dhunkata (I DHIB AAN KU DHUNAKDEE). Xasan Sheekh markii uu doorasho beeeneedkii iyoo beesadii Qadar ku soo baxay, ayaa in badan oo la daallanayd dayaca iyo diiftu abshiraysteen, balse, siday rabeen uma noqon, oo dayac, dagaal iyo, daacuun hor leh ayuu dhaliyey, himiladii lagu xirayna hanjab iyo waxay ku dhashay rajobeel.

20kii sano ee ugu dambeeeye dalka waxaa qiimo iyo qaayo ka lahaa laba qolo, QABQABLE iyo WADAAD XUME, oo ay udub dhexeed u ahaayeen ODAY COLAAD, labadaa waxaa ka daba maray, ooba yiri waxba ma ahayn QASWADE, qandiga ku wata qoom shisheeye, ugana duwan QABQABLAHA inay si fiican u qaraaban yaqaanniin, ayna uga badiyeeen sida loogu tuugsado afafka qalaad.

Bishan oo kale sanadkii hore (2013), waxaa laba kulan oo is xigay ka kala dheceen magaalooyinka Kampala iyo Nayroobi, laba xarun oo faylalka Soomaaliya sanadihii u dambeeyey si mug leh ay uga furnaayeen, siyaasad, dhaqaale, maamul, madax iyo hoggaaminba. Xasuuso Shirkii 2004tii ee Nayroobi, ee FIDNIMDA FEDERAALKA C/laahi Yuusuf ka keenay iyo xasuuqii Xabashida ee xigay, afduubkii Kampala ee 2011kii. Dabcan ciidanka ka jooga labada dalba gudaha Waddanka ha moogaan.

Shirka hore wuxuu ka dhacay Kampala, waxaana goobjoog ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Cali Maxamed Geeddi, C/wahaab Ugaas Khaliif, C/Raxmaan Baaddiyow, Shariif Xasan Sheekh Aadan “Sakiin”, Mohamed Abdi “Gaandi”, Xuseen Caydiid, Xildhibaanno hore iyo kuwa hadda ku jira Baarlamaanka, ayna wehliyeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Kenya. Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa qadka Teleefoonka uga qeybqaatay Cabdi Wali (Gaas) Nuur-Cade iyo xubno kale.

Kii xigay wuxuu ka dhacay magaalada Nayroobi, waxaa isugu yimid raggii hore iyo ka sii badan, markan waxaa ku soo darsoomay Yuusuf Garaad, Axmed Madoobe oo hore uga tirsanaa Maxkamadihii iyo Xisbul Islaan, [ARGAGIXISADII BURBURTAY] haddana ah horjoogaha Kooxda Raaskambooni ee Keenyaanku ku hayaan Magaalada Kismaayo, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Cali Khaliif Galayr iyo rag kale.

Ujeedka shirka loo qabtay iyo waxa laga damacsanaa ma cadda, in kasta oo Yuusuf Garaad (WARRAMAA aan WAR isu hayn) wiilka qalinka qallalan ee maalmahan markuu hadal uu sheego waayey qoraal qaaran iyo qormo qabyo ah dadkii ku harqiyey uu yiri “meesha waa lagu DUCAYSANAYEY!” weydiinta baa ah, yaa DUCAYSANAYEY? YAASE LOO DUCUNAYEY? MAXAA LAGU DUCAYSANAYEY? MAXAA SE LAGA DUCAYSANAYEY? Aqbal iyo la’aanba marka xeerka diinta loo fiirsho ka sokow,

inta shirka isugu tagtay marka la fiirsho waxaa iska cad inaan wanaag iyo samo Soomaali loo qaban.

Nimanka shirsanaa waxay isugu jireen: 1-Gacan ku dhiigayaal dagaal oogayaal ah, sida Geeddi, Axmed madoobe, Sheekh Shariif, Gaandi iyo Xuseen Caydiid. 2-Madaxda Musuqmaasuqa Soomaaliya, sida: Laba Shariif, Galayr, Gaas, Sharmarke IWM. 3-Kuwo urur diimeed ku daaban, sida Baaddiyow, asii qof walbaa iska ilaalinayo, si uusan ugu noqon sida Morsiga Masar oo kale. 4-In aan meelna haysan ama hiyi raac, oo hadba meesha ay mukul, muuq ama hummaag ka arkaan iska aada sida Yuusuf Garaad oo kale.

Ogow inta meesha isugu tagtay laba salaan iska qaaddaa kuma jiraan mid Gaalo iyo mid Muslinba. Badankood midba midka kale ayuu Kursiga uga riixday hab beeleed iyo heeryada gunnimada mid ay tahayba, u fiirso Geeddi waxaa badalay Nuurcadde, Nuurcadde iyo Shariif waa tartameen, Ina Sharmarke waxaa ka dambeeyey Gaas, Farmaajaba ha u dhexeeyee, Gaandi wuxuu loollan kula jiray Axmed Madoobe, Baaddiyow iyo Yuusuf Garaad waxay soo waayeen kursiga Xalane ee Amisom, ee uu hadda ku fadhiyo Xasan Sheekh.

Nimankii noocaa ahaa nin walba riyo ayaa u hirgashay, oo waa la wada dallacsiiyey, nin aan xil hayn maanta waa ku yar yahay, marka laga reebbo Baaddiyow, oo malaha aan u qalmin in xil beenaad xitaa loo dhiibo, saa wuxuu ku habboon yahay inuu ilmaha sun Carbeedka u laqimee. Xasan in badan waxaa laga sugayey inuu noqdo badbaadiye, balse, wuxuu isu badalay baabi’iye iyo burburiye, intaa kuma ekaysane, wuxuuba wehel iyo ka dhigtay waali intii Soomaali ugu xumayd, oo la soo wada arkay qiyaanadooda, gumaadkooda iyo gaboodfalkooda, haddaba, aan kuu kala kala qaadee, qormada sii raac.

-CALI MAXAMED GEEDDI, oo xasuuq badan ka gaystay Muqdisho iyo Koofurta markii uu ahaa Wasiirka koowaad ee dawladdii dalladda qabqabyalaasha ee C/laahi Yuusuf madaxa ka ahaa, eeXERTA XABASIDA IYO TABCNAYAASHA TIGREEGA. Cali Geeddi maanta wuxuu ku lammaansan yahay Xasan, oo aad mooddo inuu u yahay MADAXA MARAASIIMTA (BOROTOKOOLKA), maxaa yeelay, wuxuu dhawr jeer ku soo dhaweeyey Garoonka, marna wuxuu u raacay Jawhar, haddaba, kii dadkaaga dilay haddaad baalka gashanayso, Nabee inaan khayr iyo lagaa filayn wanaag Xasanow. Sidookale, Cali Geeddi, waxaa lagu abaalmarshay in wiilkiisa Maxamed Cali Maxamed Geeddi loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Macdanta, haddaba dhallinyaro, haddii aan qabqable idin dhalin, ama gacan ku dhiigle, ama aadnaan ka soo bixin SIMAD iyo SUUDAANshaqo iyo xil midna arki maysaan, ee iska samra, la ye; “Samraa sed lehe!”. QASWADE noqo ha lagu QIIMEEYEE!

-CUMAR C/RASHIID CALI SHARMA’ARKE oo Xasan Sheekh u magacaabay Safiirka Maraykanka, oo aan wada ogsoonnahay in dhawr kol Maraykanku diideen in isla isaga xilkaa loo magacaabo. Waxaa la yaab aheed, markii warqadaha laga aqoonsanayey inuu qoyska oo dhan la wada tagay xafiiska Obama, sidii in Alle bari la qabo, ee aan loo imaan warado guddoomid.

Tan kale, Cumar C/rashiid waxaa lagu xasuustaa heshiiskii eexda ahaa, ee uu beeshiisa kula galay Gaalkacyo, ee dhigayey in ay qaataan 25 deeqda waxbaarsho ee Soomaaliya la siiyo, waa yaabe, Soomaaliya miyey 25% ka yihiin, si ay tiradaa ugu xisaabtamaan ama dalbadaan mise waa uun sedbursigii Soomaali dhexyaallay?.

CUMAR C/RASHIID CALI SHARMA’ARKE waxaa kale oo lagu xasuustaa markii uu ahaa Wasiirka koowaad in xukuumaddiisu ay horseed ka ahayd warqaddii xumeed, ee shakiga iyo muranka galin gaaray badda iyo xeebta Soomaaliya, balse, ayaan wanaag markii dambe Baarlamaanku laalay, oo wax kama jiraan ka dhigay, isaga qorshahaa waxaa ku wehliyey Shariif Sakiin, C/raxmaan Ibbi, C/raxmaan C/shakuur (oo Xasan la taliye u ah, Muxuu kala taliyaa, muxuuse kula taliyaa? Waa wax isma dhaanto iyo dhasheed, kan lala talinayaa macallinnimo iyo maamul dugsi xagge uma dhaafin, kan la talinayaana waa ka sii liitaa, saw kama dhigna sheekadii ahayd: “Ar ku helli, xay ku nuugtaa, xayse ka nuugtaa?!”) IQK. Dad badan baa qaba waxa hadda xilkan loogu magacaabay in ay tahay sidii heshiis beenaadkaa dib loogu loo soo nooleeyo.

Cumar C/rashiid sidoo kale, waxaa lagu xasuustaa in markii xilka laga qaadayey uu qaatay lacag lagu sheegay (2$ Malyan) laba Malyuun oo Dolllar, sidoo kale, kaalintii uu ku lahaa maamulka gacan ku rimiska ee Kismaayo xoogga ku haysta ee Axmed Madooe horjoogaha ka yahay, haddana, ninka taariikhdaa madaw leh ayaa Xasan u magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka, oo dad badan u fasirteen inuu yahay DANJIRAHA DANAHA KENYA iyo ITOOBIYA, oo uusan Soomaali metelin, maxaa yeelay, meeshaba waxaa gaystay waa labadaa dawlad.QASWADE noqo ha lagu QIIMEEYEE!

-MOHAMED ABDI “GANDI” oo Xasan u magacaabay Safiirka Kanada, haddaba, Gaandi saw ma ahayn kii Malleeshiyo beeleedka tababarka iyo hubka ku soo siiyey Kenya, si uu ugu qabsado Jubbooyinka, isagoo wata mashruucii dhicisoobay ee AZAANIA?. Gaandi saw ma ahan ninka ay dabada ka riixayaan maalgaliyeenna shirkado shisheeye, oo dhammaan shidaalka Soomaaliya dano ka leh, gaar ahaan Shirkadda Total oo laga leeyahay dalka Faransiiska, oo muddo ku noolaa Gaandi, her dad baadan ay aaminsan yihiin in magaacbistiisa ay shirkado shisheeye ka dambeeyaan, dabcan iyagan u adeego doono?. QASWADE noqo ha lagu QIIMEEYEE!

-YUUSUF GARAAD CUMAR AXMED, oo markii uu ku hungoobay xilka sare ee dalka, u xuubsiibtay inuu kabe qaade u noqdo qabqablayaashii hore iyo madaxdii musuqa, heer uu gaaray inuu isla sawiro Malleeshiyo waardiyeysa Gaas horjoogaha Maamulka Bari. Maalintii shirkii Nayroobi dhacay, maalintii xigtay isagaa been qalinkiisa ku xarriiqay, maalintii ka labaad dadkii wuxuu ku afjigay “iga aamusa aniga ima dhaliili kartaan, qof walba wuxuu aaminsan yahay ha haysto” maalintii ka saddax ahaydna sida loo dhigay hadalka waa ka toobad keenay wixii uu sameeyey, isagoo yiri: “waxaan idiin ballan qaadayaa in aanan ka qayb gali doonin fadhi umadda Soomaaliyeed lagu waxyeelayo!” weydiinta baa ah: ninka damac baa dabada ka riixayee, yaa dammaanad qaadaya inuusan dib ugu laabanayn? Midda kale, markuu beenta isla kala jiidayey, ee dadka ku afduubayey “waxaaga ha igu qasbin” muxuu qarinayey? Inta uusanse ballanta noo qaadin waa inuu soo bandhigaa wax beentiisii hore burinaya, haddii kale cid aaminee ma jirto. Kaba muhimsane, waa inuu sheegaa waxa ku kallifay inuu been intaa la eg sheego, iskuna dayo inuu qariyo wax aan qarsoomayn. Yuusuf isna waxaa la filaa in Xasan u dhiibo afhayeenka Madaxtooyada, ee uu isaga tagay Yariisow, waxaa se is weydiin mudan, wax badan buu meelaha ka quuqleeyee, hadduu madaxtooyadii dhex tago Yuusuf muxuu soo kordhin doonaa? Aan wada sugno. Nin aan wadaay nahay ayaa markii ay soo baxday xanta xil magacaaxibtu wuxuu igu yiri; “Waxaa hubaal ah inaan ka nasan doonno nacnacdii iyo nuxur la’aantii uu Faysbuugga ku soo qiri jiray iyo wararkii maalaa yacniga ahaa!”. QASWADE noqo ha lagu QIIMEEYEE!

-AXMED MAXAMED ISLAAM “AXMED MADOOBE”, oo hore uga tirsanaa Maxkamadihii iyo Xisbul Islaan, [ARGAGIXISADII BURBURTAY] haddana ah horjoogaha Kooxda Raaskambooni ee Keenyaanku ku hayaan Magaalada Kismaayo. Axmed Madoobe waxaaba dhaxal iyo hibo loo siiyey Jubbooyinka, oo uu sida uu doono ka yeelaa, ka dib heshiiskii Faraax C/qaadir (Wasiirka DALTUURKA iyo FIDNADA) uu kula soo galay Itoobiya. U fiirso, heshiiska waxaa wada saxiixday laba nin oo aan Soomaaliya ku dhalan, oo ka soo wada jeeda Soomaali Galbeed, waxaa lagu saxiisay Itoobiya, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya, haddaba, Faarax sida uu markii hore isugu hawlay in Axmed Madoobe Kismaayo loo gacan galsho, maa haddana isugu hawlo sidii loo fulin lahaa qodobbadii heshiiska?.

Jubbooyinka waxaa si joogto ah uga dhaca dilal qorshayn, qaarijin, qaraxyo, dhac iyo boob, waxaa intaa dheer qixinta iyo bara kicinta lagu hayo dadka deegaanka, heer afartan qoys oo beesha Jareer ah lagu armay inay isaga guureen, oo xaggee aadaan? Yaase badalkeed la keenayaa, ma Soomaali Galbeed ayaa deegaanka dhan lagu beerayaa?. QASWADE noqo ha lagu QIIMEEYEE!

-SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN “SHARIIF SAKIIN” isaga in kasta oo aan xil loo dhoobin, haddana, waxaa loo ansixiyey (xalaaleeyey) maamul beeneedkii uu dabada ka riixayey, ee Baydhaba ay barqad soo dhagax tuureen in saxiix loogu malmalluuqo, oo lagu yiraa waan aqoon sannay, iyada oo aan la tixgalin rabitaanka dadka iyo gobollada maamulka yeelanay kuwa ay noqonayaan, taa oo keentay in maamulkaa laga soo wada horjeesto, ha ahaado dadka deegaanka ama gobollada uu sheegtayba, heer wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullahi Goodax Barre uu si cad uga hor yimaad maamulka Shariif Sakiin doonayo xerta Xalane u ansixiyeen.QASWADE noqo ha lagu QIIMEEYEE!

Qaswadayaashii ku shiray sanad ka hor Kenya iyo Ugaanda, waxaa wali xil la’aan ah CALI KHALIIF GALAYR, oo isna sida xamxamta suuqa ku jirta ay sheegayso loo badinayaa in loo magacaabo Safiirka Ingiriiska, inta ka horraysana uu sii kala dhantaali doono inta ka harsan maamulka Khaatumo, oo ay u kala baxsanayaan labada maamul beeleed ee Bari iyo Waqooyi. Waa yaab mid hadday goosteen in laga goostay maxay ku diidayaan Reer Waqooyi? Haddii Bari reernimadii lagu yiri anagaa isku filan iyana maxay ku diidayaan?.

Meesha waxaa ku gablamay, sida xeeldheerayaal badani sheegayaan waa Prof Samatar.

QASWADAYAASHA wax la laaqo, saa maanta xil ayaa loo magacaabi lahaaye, maadaamo uu isagu u waalan rabo jago in loo dhiibo, oo uu Soomaaliweyntii u tuuray awgeed, marka tani dhaaftaye Samatar ta kale ha ka faa’iideysto, oo sida warar hoose sheegayaan waxaa jira iskaashi ay hormuud ka yihiin Guddoomiyayaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir, ee xilalka laga qaaday, oo ka dib markii laga diiday in xabsiga la dhigo qorshaynaya inay iyana shirar QASWADENIMO abuuri doonaan.

Ugu dambayn. Inta aan qiimo iyo qaayo u yeelaynno kuwa qaranjabkeenna iyo ka shaqeeya qiimotirkeenna waxaa hubaal in aan ku jiraynno qaska, qaxa, qaxarka iyo qalalaasaha, maxaa yeelay, isbadal dhalintu waxay ka billaabataa inaad inta xun iyo inta xanafta wadda aad ka xeeladaysto, balse, haddaad xilal u dhiibato ama xaaliyeyaal ka dhigato, adiga un baa xinjirrado badan kaa daadan doonaan xabaalo badanna qodan doona.

AGGM Masuul Kama Ahan Qormadan, Fikirka Iyo Dareenka Ay Xambaarsantahay Waxay Ku Koobantahay Qoraaga Ku Sixiixan

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com