Sade Muxuu Ku Beddeshay In Caasumadda Jubbaland Laga Dhigo Bu’aale? W/Q. Shire Cabdisamad

0

MaqaalAan ku bilaabee la iskuma diiddana in dhidibbada loo taago maamulka Jubbaland, dadka ka soo jeeda gobollada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoosana gebi ahaan taasi waa ay ka go’antahay, wayna ka midaysan yihiin.

Haddii wax la isku hayana, waxaan aaminsanahay, in waxa la isku hayaa ay yihiin arrimo farsamo ee aysan ahayn in aan hadafka guud laga midaysnayn.

Sidaas darteed qofkii ka hadla arrimaha Jubbaland iyo qaabkii loo yagleeli lahaa maamul rasmi ah oo dhammaan dadka deegaanku ku qanacsan yihiin, waa in taladiisa la dhuuxaa ee aan la dhihin “In maamul la dhiso ayuu diidan yahay!”.

Intaas ka dib waxaan aaminsanahay in siyaasadda iyo laab-la-kacu ay yihiin labo walxood oo aan is qaadan Karin, ayna tahay in la kala ilaaliyo.

Marka Jubbaland waa dhisaynaa, Alle idankkiisna waa dhismaysaa ee adigu inta Laab-la-kaca joojisid waa la xisaabtamayaa ee ha xisaab la’aan, siyaasadda iyo beerlaxwsiga tolnimadana kala saar.

Sida aad adigu u jeceshay in Jubbaland la dhiso iyo waliba si ka sii xoog badan ayaa dhammaa beelaha walaalaha ah ee reer Jubbaland oo dhami u jecel yihiin, laakiin xisaabtooda ugama tanaasulayaan in maamul la helo ayaa nagu filan.

Ma ogtahay in wixii aad manta sahal ku saxiixdo aadan sahal uga noqon karin?

Waxaa caalamka oo dhami isku waafaqsan yahay in heshiis ama axdi geliddiisa ay aad uga sii adag tahay in aad heshiiskaas aad dib wax uga bedesho ama aad gebi ahaantiisba ka baxdo.

Taasna waxa aan tusaale ugu qaadan karnaa heshiisyo badan oo Soomaalida dhexdeeda horay uga dhacay ayna ka mid yihiin kuwa soo socda:

1) 4.5, oo inta badan ummadda Soomaaliyeed ay ogtahay in uu yahay mid aad u khaldan, caddaaladdana aad uga fog. Haddana haddii aad la socoto siyaasadda Soomaalida waxaad ogtahay in arrintaas sida looga gudbaa ay adag tahay.

Sababtuna waa mid ay sahlan tahay in la garto oo halka qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ay ku dulman yihiin heshiiska 4.5 ayay qaar kalena sed-bursi (wax xaqooda ka badan haysta) ugu tahay, taas oo ay u arkaan in faa’iido weyni ay ayaga ugu jirto, sahalna aysan uga tanaasulayn.

2) Muqdisho: Caasumadda Soomaaliya oo wixii ka dhacay iyo waxa hadda ka jirana la wada ogsoon yahay, dad badan oo Soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin in ay lumisay kalsoonidii caasumadnimo islamarkaasna ay caqab weyn ku tahay dib u soo celinta qarannimadii, dawladnimadii iyo madaxbannaanidii dalka iyo ummadda Soomaaliya.

Hase ahaatee ayadana waad la socotaa oo beel keli ah ayaa ku gaartay heer la kala doorto afar musharax oo u tartamaya madaxweynaha Jammuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Ma u malaynaysaa in si sahlan wax looga beddeli doono ama heshiis laga geli doono caasumadda Soomaaliya oo waa hore shuruud la’aan ku baxday?

3) Ilaa 1961-dii qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Soomaaliya dega ayaa waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay uga noqon lahaayeen midowgii 1960 ee Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliyaa.

Hase ahatee bal ummadda Soomaaliyeed iskaba dhaafe kuwii Soomaaliya horay ugu qaybiyay shanta gobol ayaan ogolayn in Soomaaliya la kala qaybiyo, ayaga oo leh “kala goynta Soomaaliya, ummadda Soomaaliyeed ayay ka go’daa.

Heshiiskii ay dalalka Afrikaanku horay isula gaareenna u gacan dhaafi mayno”.

4) Heshiiska amase axdiga xaaladda Jubbaland iyo shirka Kismaayo ka socda aad ugu dhaw ama ugu sansaan eg, tusaalaha ugu dhawna loogu soo qaadan karo waa heshiiskii ama shirkii sanadkii 1998 lagu yagleelay dawlad goboleedka Puntland.

Haddaba qaar ka mid ah beelihii Soomaaliyeed ee wada dhistay maamulka Puntland kuwoodii ugu muhiimsanaa ayaa la wada ogyahay in maamulkii ay wax ka dhisteen ay ka dhaxleen dhibaato aad u baaxadweyn, dhulkii ay maamul la’aanta gacanta ku haysteenna aysan maanta waxba ka hayn islamarkaasna uu dhulkiina u gacan galo maamul aysan ka tirsanayn iyo in xildhibaannada beeshaas uga midka noqon lahaa Baarlamaanka Soomaaliya laga soo magacaabo maamulkii Puntland, ayada oo la wada ogyahay in ay shir caalami ah uga dhawaaqaan in maamulkii Puntland ay ka bexeen islamarkaasna ay maamul cusub “Khaatumo State Of Soomaaliya” dhisteen. Taasna waxaa suurto geliyay heshiiskii hore ee Puntland lagu dhisay oo beeshu ay si sahlan uga tanaasushay wax badan oo xagga awood qaybsiga iyo dhinka siyaasadda ah, ayaga oo aan waxba ku beddelan awooda iyo taladoodii ay maamulka Puntland u hibeeyeen.

Haddaba inkasta oo ay jiraan tusaaleyaal badan oo kale oo arrimaha noocaan ah la xiriira ayaan haddana filayaa in intaasi ay nooga filan tahay in aan wax ku qaadano wixii horay u soo dhacay, waase ciddii Alle ku duwo.

Aan u soo laabtee beesha Sade maxay ku beddelatay in caasumadda Jubbaland laga dhigo degmada Bu’aale? Waa maxayse ujeeddada Bu’aale looga dhigay caasumadda Jubbaland?

Labada xubnood ee ugu muhiimsan maamulka Jubbaland, marka laga eego xagga awood qaybsiga waa (1) Caasumadda iyo (2) Madaxweynaha maamulka.

Waxaa labadaas soo raaca (a) Madaxweyne ku xigeenka (b) Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo (C) Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose iyo (d) duqa magaalada Kismaayo.

Haddaba mar haddii caasimaddi si shuruud la’aan ah loogu magacaabay degmada Bu’aale ayaa qaadanaya xubinta madaxweynaha Jubbaland?

Waxay ahayd haddii caddaaladi jirto in xubintaas ay beesha Sade yeelato.

Laakiin si arrintaasi aysan u dhicin ayaa waxaa la yiri “xubinta madaxweynaha waa doorashoo loo siman yahay!”.

Laakiin waa la ogyahay in doorashoda Soomaaliya uu ku guulaysto ninkii lacag haysta ama awood ciidan oo lagu dhaafi waayay ama looga baqayo lagu doorto.

Labadaas midna Sade madaxweyne kuma helayo maanta!. Sidaas darteed beesha Kablalax ayaa waxay isku darsanaysaa Caasumadda, Madaxweynaha, Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose iyo duqa magaalada Kismaayo.

Marka beesha Sade soo noqon mayso in ay madaxweyne ku xigeenka is iimaansato?!

“Caamada waxaa lagu yaqaan xiiso caadi ah”

Waxba yuusan hadalku ila dheeran ee waxaan ku soo ururinayaa in beesha Sade ay joojiso Laab-la-kaca iyo isgarab yaaca.

Shirka Kismaayo waxa uu ku socdo waa beesha Sade oo ugu tiro badandadka dega saddexda gobo ee Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Taas ayaana ah awoodda kama danbaysta ah ee aysan cidna dhaafi karin. Haddii Sade diido am aka hor yimaado sida khaldan ee wax loo maaamulayana waxaa lagu khasban yahay in la yeelo si kasta oo ay beesha Sade ku qanacsan tahay.

Marka beesha Sade waa awoodda uu Daaroodka Koofurtu ku goodinayo, laakiin waxaad mooddaa in beeshu aysan sidaas u ogayn oo aysan waxba diidayn waxna doonayn.

Talo soo jeedin:

1) Waa in aysan aqabalin dastuur aysan wax talo ah ku lahayn waxana laga weydiin.

2) Beesha Sade waa in aysan aqbalin in Caasumaddu ay Bu’aale noqoto, haddii aan beesha Madaxweynaha shuruud la’aan lagu siinayn oo aysan dhexdeeda oo kaliya u tartamayn.

3) Haddii taas la diido waa in ay beesha Sade hesho Caasumadda, madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

4) Beesha Sade waa in aysan Dawladda iyo raysalwasaaraha ayaga ka soo jeedo uga hor imaan wax aan iyaga dani ugu jirin, wax dhimaalna u ah.

Talona waxay gacantaada ku jirtaa inta aadan waxba saxiixin.

Shire Cabdisamad
 mr_dinix@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com