Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Magaaalada Kismaayo ay soo gaareen Wasiirki hore ee Gashandhiga Soomaaliya Col Barre Adan Shire Hiraale iyo Ciidamo u wato.
Col Barre Hiraale iyo Ciidamada uu wato ayaa waxa ay magaalada Kismaayo ku soo galeen si lama filaan ah waxaana dad badan oo reer Kismaayo ah ay iswaydinayaan meesha uu ka soo dusay Col. Barre Hiraale.
Sida aan ku helnay Xog Rasmi ah oo la isku halayn karo Col Barre iyo Ciidamada u wato oo horay uga tirsanan jiray Guutadi kowaad ee uu horkacayay Col Canood waxa ay soo mareen dhanka Badda ayagoo adeegsanaya Doomaha dheereya ee loogu talagalay in lagula dagaalamo Burcad badeeda kuwaas oo dhawaan u soo dagay Ciidamada Marineska Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa waxa ay magaalada Kismayo u soo socdeen Mudo Koban waxa ayna ku soo xirteen Dakada yar ee ku taalada Xaafada Calanleey agagaarka Hotel Qiilmawaaye.
Ilaa iyo hada ma cada tirada Ciidamada sarnaa donyahan uu watay Col. Barre Hiraale waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan inta doonyood ee ay wateen Ciidamadan .
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com