MAQAAL:Khilfaafka Madaxda Dowladda Federalka ah iyo Ku Xadgudubka dastuurka Ku-meel Gaarka ah.

0

Tan iyo markii uu Ra’isulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed 25 October, 2014 uu ku dhawaaqay in uu kala bedelay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, waxaa soo ifbaxay khilaaf siyaasadeed oo ka dhex taagan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka.

Talaabada isku shaandheynta xubnaha golaha wasiirada ee uu ku dhaqaaqay Ra’isulwasaare Cabdiweli ayaa waxay saameeysay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuur, Faarax Sheikh Cabdulqaadir, oo marka la eego isku shaandeyntaan loo bedelay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa.

Wasaaradaan dambe ayaan lahayn saameeyn weyn oo dhinaca siyaasadda ah, halka wasaaradda hore ee cadaalada iyo arrimaha dastuurku ay leedahay muhiimado siyaasadeed oo hadda loo baahan yahay.

Haddii aan qaar ka mid ah muhiimadahaasi xuso, waxaa ka mid ah, iyadoo wasaaradda ay hoos imaanayaa kuwa ugu muhiimsan guddiyada madaxa banana sida guddiga dib u-eegista iyo hirgelinta dastuurka, guddiga doorashooyinka iyo guddiga dib u habaynta cadaaladda. Sidoo kale waraasaddu waxay lafdhabar u tahay shaqooyinka laanta cadaaladda ee Dowladda.

Waxaa sidoo kale in la xusuuusto mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay in uu mar kale u tartami doono kursiga madaxtinimada dalka. Sidaas darteed, joogaataanka Faarax Cabdulqaadir ee waraasadda Cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ayaa waxay halbowle u ahayd welina u tahay riyada Xasan sheekh ee ah in uu mar kale ku guuleeysto kursigaan shaasheysan.

Isbedelka uu Ra’iisulwasaare Cabdiweli sameeyey oo lagu bartimaameedsaday Saaxiibkii ugu dhawaa iyo mid ka mid ah wasaaradihii tiirka u ahaa in Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa Damul-Jadiid ay sii joogaan Madaxtooyada Soomaaliya marka la gaaro bisha September, sanadka 2016, waxay noqotay mid ka degi weyday Xasan iyo saaxiibadii.

War qoraal ah oo ka soo baxay xaafiiska Madaxweynaha ayaa 26 October, 2014 lagu sheegay go’aan tirtiraya isku shaandeyntii saameeysay Wasiir Faarax Cabdulqaadir. Warkan ka soo baxay xaafiiska madaweynaha ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaruhu si isdabajoog ah u soo saaro go,aano tashwiish ku abuuraya geedi socodka dawlnimada iyo wada shaqaeynta hayaadaha dawliga ah.

Xaashida ka soo baxay xaafiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay  in madaxweynuhu isagoo eegay danta guud uu dhawr jeer, u dulqaatay tallaabooyin qalafsan oo xad gudub ku ah awoodaha dawliga ah ee Madaxweynaha iyo kan Dastuurkaba. Sida ku qorneyd Warqadda ka soo baxday xaafiiska Madaxweynaha waxaa ra’iisuwasaaraha si gooni loogu eedeey saddex arrimood oo kala:

  1. In uu xil ka qaaday, magacaabayna Wasiirro asaga oo aan wax wada tashi ah la yeelan Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaaliga;
  2. In uu Saraakiil Sare xil u magacaabay kuwa kalena ka qaaday si aan waafaqsaneyn Dastuurka.

Warka ku qoraalka ee uu saaray xaafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay “ aniga oo eegaya waqtiga xaasaasiga ah ee lagu jiro, ilaalinayana habraaca dawliga ah, quwaaniinta iyo shuruucda dalka u deg san, waxaan go,aamiyey:

  1. Inuu wax kama jiraan yahay waxa lagu timaamay isku shaandheynta xubno ka tirsan Golaha wasiirradda ee ka soo baxay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha 25kii Oktoobar 2014;
  2. In Wasiir kasta uu sii wato xilkii lagu ogaa, samaynna aanay ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha 25kii Octoober 2014;
  3. In Ciidammada Ammaanku sii adkeeyaan siina wadaan howlgallada hada socda;
  4. In Saraakiisha iyo shaqaalaha rayidka ee Dowladda ay howshooda caadiga ah sii wataan.

Marka aad eegto go’aanka madaxweynaha ayaa waxaa kuu soo baxaysa in ay madaxweynuhu uu galay saddex qalad oo sharciga iyo nidaamka dowliga ee uu sheegay in uu difaacayo xudgubku ah.

  1. Madaxweynuhu wuxuu si dadban ugu dhawaaqay wax aanu sharciyan sameeyn karin oo ah inuu shaqada ka fariisiyey ra’isulwasaarihii isagoo sheegay inaan go’aanadda xaafiiska ra’isulwasaaraha aan la qaadan.
  2. Go’aankaani wuxuu ku tuntay qodobka 100aad ee Dastuurka KMG oo sheegay (a) in ra’iisulwasaaruhu yahay madax ugu sareeya ee Xukuumada federaalka  (b) in ra’isulwasaaruhu uu magacaabi karo xilkan ka qaadi karo xubnaha golaha wasiirada.
  3. Go’aanka madaxweynuhu wuxuu muujinayaa in uu la wareegay awoodii dastuuriga ahayd ee laanta fulinta isagoo oo abuuray jawi, xubnihii golaha wasiirada, ciidamada iyo shaqaalihii dowladda ee rayidka ah ay amarka ka qaataan xaafiika wadaxweynaha. Taasina waxay ka baxsan xayndaabka awoodda Dastuuriga ee xaafiiska madaxweynaha. Waayo, madaxwenuhu wuxuu dhexgalay shaqadii loo igmaday laanta fulinta ee dowladda sida ku cad qodobka 97aad farqadihiisa 1aad iyo 2aad oo sheegaaya in awooda fulinta ee ugu sareysa (highest executive authority) ee dowlada federal ay leedahay laanta fulinta ee u madaxda yahay Ra’iisuwasaaruhu.

29, Octoober, 2014 waxaa xaafiiska madaxweynaha ka soo baxay wareegto xilalka looga qaaday garsooreyaal ka hawgeli jiray maxkamadaha magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood. Wareegtadan ayaa waxay xigatay soo jeedinta xeer ilaaliyahaa guud ee qaran. Tanina waxay mar kale xadgudub ku tahay madaxnaanida iyo shaqada laanta garsoorka. Madaxweynuhu wuxuu ku xad-gudbay qodobka 90aad farqadiisa (J) oo awood u siinsa madaxweynaha in uu qaato go’aankaan oo kaleKADIB marka uu arko soo jeedinta golaha adeegga garsoorka. Dastuurka KMG wuxuu madaxweynaha u ogolaanayaa in uu cuskado go’aan iyo talo soo jeedinta golaha adeegga garsoorka KELIYA.

Tan iyo markii uu banaanka u soo baxay khilaafka ka dhexjira madaxweynaha iyo ra’iisulwasaarihiisa, waxaa xaafiiska madaxweynaha ka socda olole lagu doonaayo in xilka looga qaado ra’iisulwasaaraha iyadoo loo maraayo golaha shacabka ama baarlamaanka. Dad ka mid ah kooxda Damul-jadiid, saaxiibo siyaasadeed iyo dad ay qaraabo yihiin xasan sheekh ayaa ku mashquulsan mooshin baarlamaanka laga  geeyo xukuumadda si kalsoonida loogala noqdo.

Sida uu cadeeyey wakiilka xoghaya guud u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Nicolas Kay,  waxaa jira isku day la doonaayo in xubnaha golaha baarlamaan la lagu laaluusho wixii ay doonaayaan sida ay codkooda ugu taageeraan rabbitaanka madaxweynaha iyo kooxdiisa. Sida dhacda marka hawlahaan oo kale ay jiraan waxaan xildhibaanka kasta loola hadla sida uu qanci karo iyo inta uu le’eg yahay maqaankiiisu. Waxaana badnaa intooda badan loo sameeyaa balan- qaadayada xilal, baabur iyo IWM. Haddii ay jirto arrinta uu ka dhawaajiyey Ambassador Kay, waxaa lagu xadgudbay oo si xun loo isticmaalayaa shaqada laanta sharci dejinta.

In kastoo uu madaxweyne Xasan Sheekh uu si caro leh uu uga jawaabay, hadaladii ka soo yeeray Ambassador Kay iyo xubnaha kale ee beesha caalamka, kuna dooday in la ixtiraamo xornimada iyo arrimaha qaaska u ah dowladda soomaaliya. Laakiin su’aashu waxay tahay soomaaliya xor ma tahay waqtigaan.   Marka si kooban loo sheego xoridda dal kasta uu leehayay ayaa waxaa loo qabiyaa labo (2) dhinac oo kala ah:

  1. Xoriyadda sharciga ku dhisan (de jure) oo quseeysa aqoonsiga uu dalku ka haysta dalalka kale ee duninada ka jira iyo xiriirka uu la leeyahay isla dalalkaasi.
  2. Xoriyadda xaqiiqada ku dhisan(De facto)  oo ku saabsan sida dalku uu awood ugu leeyahay in uu ilaaliyo xoriyaddiisa, madaxbanaanidiisa dhuleed, xuquuqda iyo amaanka dadkiisa.

Marka laga tago labada arrimood ee sare ku xusan, inta badan aqoonyahanadda iyo siyaasiyiinta wax  ka qora arrintaan, waxay aaminsan yihiin in jiritaanka xoriyadda iyo madaxbanaanida dal leeyahay ay ku xiran tahay afar (4) arrimood oo kala ah:

  1. Xoriyadda gudaha oo ah sida dalku awood ugu leeyahay in uu ilaaliyo dowladnimadiisa iyo karaamadiisa dhuleed.
  2. Xoriyadda isku tiirsanaanta oo ku saabsan awooda uu dalku u leeyahay in uu la socdo cidda kabaxaysa ama soo galeysa xuduudaha dalka.
  3. Xoriyadda shirciga caalamiga ah oo ka hadasha in dalkaan xorta ah ay aqoonsan yihiin dowladaha kale xorta ah ee ka jira aduunka.
  4. Xoriyadda madaxbanaanida (westphalian) oo ah in dalka aanu maamulin dalka ama awood aan ahayn dowladda dalka ka jirta.

Haddaba, iyadoo la tixgalinaayo dhamaan qodobad sare ku xusan iyo xaqiiqooyinka dhabta ee hadda ka jira dalkeena, akhristeyaasha ayaa u daynayaa in Soomaaliya ay hadda dal xor ah lagu tilmaami karo.

Arrinta walwalka abuuraysa waxaa iyadoo madaxweynaha iyo kooxdiisu ay doonayaa in ay ra’isulwasaare Damul-jadiid ah si ay kooxda ugu suuragasho iney awooda dalka ula wareegaan. Arrintaan ayaa abuuri karta khilaaf cusub oo ku saleeysan siyaasad aragtiyo diineed la huwiyey maadaama ay jiraan ururo aaminsan aragtiyo kala duwan oo saabsan ku dhaqanka iyo  dabakhida diinta islaam. Sidoo kale maadaama dadka soomaaliyeed u yahay beelo dalka ku dagaalamay, urur keliya uu hami in uu awooda dalka qabsado waa arrinta khatarteeda abuuri karto.

Guntii iyo Gunaanadkii khilaafka ka dhex aloosan madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha ayaa keenay la si weyn looga xadgubo Dastuurka KMG ee isaga qudhiisa dhibaatada taagan qayb ka ah maadaama aanu si waadax ah u kala cadeeyneynin waxyaalo fara badan oo lagama maarmaan u ah soo celinta nabadda iyo dowladnimada soomaaliyeed.

Khilaafkaan ayaa wuxuu sababay in madaxweynuhu uu is khaldan u ku dhexgalo shaqooyinkii laamaha fulinta, garsoorka iyo sharci dejinta taas oo abuuri qalalaase siyaasadeed iyo degenaansho la’aan. Sidaa awgeed, jiritaanka khilaafkaani wuxuu halis gelin karaa dowladnimada aan cagaha badan ku taagneyn ee ka jirta muqdisho waxayna damqaysaa nabaradii iyo dhaaqacyadii ay reebeen dagaal beeleedyadii dalka burburiyey.

 

Dr Cabdullahi Maxamed Xirsi (Qorrax)

Xildhibaankii hore ee Iscasilay March, 2014

Email: Abdullahi.qorah@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com