MAQAAL: Waa Maxay Denbiga Uu Galay Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed?

0

Sida aan ogsoonahay waxaa jirey in muddo ah khilaaf soo jiitamayey Oo u dhexeyey  ra’iisal wasaaraha DFS iyo madaxweyne xasan shiekh muxamuud  kaas Oo banaanka u soo baxay markii madaxweyne xasan qiray in u jiro khilaaf kala dhexeeya ra’iisal wasarihiisa. Hadaba su’aasha is weydiinta mudan baa Waxay tahay    Maxuu ku qotamaa khilaafka madaxweyne Hassan kala dhexeeya ra’iisal wasaare abdi weli? Jawaabta suaashan waa dhawrkan qodob ee soo socda: federal system ka, hiigsiga 2016 iyo kala madax-banaanshaha haa’yadaha dawladda.

 Ra’iisal wasaare cabdi weli ayaa sida u qabo dastuurka federaalku waxaa u rabaa in la dardargeliyo dhismaha dawladaha xibnaha ka noqonaya dawladda dhexe si waddanka loo faderaaleyo. Isaga Oo taas ka duulayaya ayuu waxa u la yimi siyaasad furfuran Oo ku dhisan wadatashi iyo dib u hishiisiin, waxaa u xiriir la sameyey goboladdi hore u dhismay sida; puntland iyo jubbaland Oo xiriirka ay la leeyihiin dawladda dhexe go’naa qaarna usan fiicneyn intii aan loo magcaabin xilka ra’iisal wasaarnimo, sidoo kalena waxa u mujiyey dadaal dheeri ah Oo u ku taageerayo goballadda weli aan lahayn dawlad gobolleedada si ay u dhistaan maamulo gobolleedo.

Aragtidan u qabo dr Ahmed Oo ah waxna ha lawada yeesho waxna ha lakala yeesho Waxay u cuntamin weyday kooxda dumil-jiddiid ee u horjoogaha u yahay culusow iyo indheer-garadka muqdisho Oo raba waddanka Oo dhan in siyaasaddiisa laga hago muqdisho maddaama haddii u hirgalo nadaamka federal aysan suurtagel ahayn in muqdisho waddanka Oo dhan laga hogaamiyo Waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen in ay curyaamiyaan dadaalada ra’iisal wasaare cabdi weli ee meelmarinta nadaamkii lagu hishiiyey ee federalka.

Dhamaan isku deeyadii ay sameeyeen kooxaha ku bahoobay  federal-diidka waxay noqdeen kuwa guuldareystey markii u dr abdi weli dhagaha ka fureystay taasina Waxay keentay ugu denbeyn in kooxdan qaswadayaasha ah in ay istuseen in xilka laga qaado dr abdiweli maddaama aysan damacooda guracan aanu u meel mareyn inta xilka ra’iisal wasaarnimo u hayo shikhsi aan u fulineyn danahooda gaarka ah.

 Hiigsiga 2016 waxaa u noqday mid ka mid ah meesha isku dhaca ugu weyn ka yimi. Ra’iisal wasaare cabdiweli shiekh Ahmed iyo xukuumadisu Waxay qaadeen talaabooyin muhiim u ah hiigsiga 2016 (2016 vision) sida magcaabida guddiga dib u eegista dastuurka ( constitution review commission), dhiiri gelinta iyo taageeridda dhismaha dawladdaha xubnaha ka noqonaya dawladda dhexe (federal member states) qorshayaasha xasilinta waddanka ( country stabilization plans) iyo dib u hishiisiinta.

Kooxda damuljidiid ayaa u arka dadaaalada ra’iisal wasaare cabdiweli shiekh Ahmed xukuumaddisu waddo in ay yihiin kuwa sahlaya in doorashada madaxda federalka lagu dooranayo dhici karto 2016 ee ku aaddan hiigsiga 2016 in ay yihiin kuwa khatar ku ah jiritaankooda (damuljidiid ) maddaama ay lumiyeen Kalsoonidii iyo aamminkii dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka ee taageerta soomaaliya.

Madaxweyne Hassan shiekh iyo kooxdiisa damuljidiid Oo astaan u noqday musuqmaasuq, qabyaalad, maamulxumo iyo falal argagixiso, rajadda ay ka qabeen in ay ku soo laabtaan hogaanka dalka Waxay ku dhacday hadaan, hadaba si ay kursiga ugu sii fadhiyaa culusow iyo kooxdiisu waxaa ay lama huraan u arkeen  in ay qaadaan tallaabo kasta Oo fashilin karta  in dadaalada ay waddo xukuumadda DR Ahmed ee sahlaya in doorasho qabsoonto 2016.

Kala madaxbanaanshaha ha’yaddaha dawladda Waxay noqotay wax aan raali gelin culusow iyo kooxdiisa. Ra’iisal wasaare cabdiweli shiekh Ahmed ayaa si ka duwan dhigiisi hore saacid shirdoon sida dastuurka federaalku qabo u gutay shaqadiisa si madaxbanaan. DR Ahmed ayaa gabi ahaanba genifka ku dhiftay dalabaadkii iyo isku dayadi kooxda damuljidiid ee ahaa in u ku shaqeeyo mabaa’diida koxdooda ee ka hor imanaysa danta qaranka una adeegeysa midka shikhsiga.

Kooxda damuljidiid (dulmi jidiid ) Waxay wakhti iyo maalba ku bixisay Sidii ay u soo geli lahaayeen ra’iisal wasaare abdiweli xayndaabka     Kooxda damuljidiid laakiin cabdiweli Oo danta qaranka iyo sumcaddiisa shikhsi eegaya ayaa ka diiday in u noqdo qof taariikhda Baal madow ka gala Oo jiilka soo socda ay ku xasuustaan; caada-qaate dantii dalkiisa ka hor mariyey dan Koox qaran dumis ah.

Guntii iyo gaba gabadii akhristow haddii aad si cilmiyeysan,qotadheer Oo ka fiyoow caaddifad aad u fiirisid waxa u ku qotomo khilaafkan waxaa ku soo baxaysa in ra’iisal wasaare cabdi weli shiekh Ahmed u diiday in u danta qaranka ka hor mariyo mid Koox ama shikhsi, si kale haddii aan u dhaho anoo ka jawaabaya su’aasha maqaalkan cinwaanka u ah denbiga u galay cabdiweli waa in u diiday shirqoolada iyo hagardaamooyinka kooxda damuljidiid ay ku hayaan dawladnimada, shaqadiisina u ugutay sida dastuurka dalku qabo si badaxbanaan una diiday in u cid kale u daba fadhiisto.

Ugu danbeyn, su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay Golaha shacabka ee dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka ee taageerta arimaha soomaaliya ay saluugsan yihiin fadhigooda sabtida ma waxa u noqon mid qaranka loogu hiiliyo Oo ra’iisal wasaaraha iyo xukuumaddisa codka kalsoonida lagu siiyo mise waxaa u noqon mid laga hiiliyo qaranka Oo danta damuljidiid loogu oofiyo? Jawaabta su’aashan wakhtiga baa sheegidoona!

The statements, views and opinions expressed in this column are solely those of the author and do not necessarily represent those of AGGM.

W/Q: Deeq gessod
Cincinnati, ohio USA

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com