Ra’iisul Wisaaraha Oo Ugu Hambalyeeyay Munaasabda 15 Meey, Dhaliyarada Soomaaaliyeed.

0

sylMuqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada federaaliga ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta halbalyo diiran u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, asagoo ugu hambalyeeyay munaasabada 15 Meey ee maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan dhalinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, anigoo ugu hambal-yaynaya munaasabada 15 Meey, ee maalinta dhalinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inay manta tahay maalin taariikhi ah oo ka turjumaysa doorka dhalinta Soomaaliyeed ku lahaayeen masiirka dalkooda. Waxaana uu sheegay inuu dareen sanyahay xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed ku sugan yihiin.

“Xaalada colaadeed ee dalka ka jirtay sadex jiil ayay mustabal seejisay, arrintasina waa dhibaato weyn na wada gaartay. Waxay seegeen fursadii wax-barasho, waxay waayeen fursadii shaqo, waxayna ka niyad jabeen bulshadoodii iyo dalkoodii labadaba,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Waxaa uu cadeeyay go’aanka dawladda ee ku wajahan wax-ka qabashada arrimaha dhalinyarada iyo siday da’yartu uga qeyb gali lahaayeen nabadaynta iyo horumarka dalka. Asagoo xiganaya warbixinta Horumarka Aadanaha ee Soomaaliya 2012 ee ay soo saartay hay’ada ee UNDP ayna ku daraasaysay xaalada dhalinta Soomaaliyeed, ayuu cadeeyay inay dawladdu wax ka badalayso xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed.

“Caano daatay dabadoodaa la qabtaa” bay Soomaalidu ku maah-maahday. Soomaaliyada cusub ee aan doonayno dhalintu waxay u tahay laf-dhabar. Waxaan doonaynaa inaan badbaadino, wax-barno, una abuurno fursado shaqo oo anfaca si ay dalka iyo ummadaba u anfacaan,” ayuu yiri ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaaruhu ayaa sheegay inay dawladdu u dhago nugushahay dhalinta Soomaaliyeed. Asagoo dhanka kale kula dar-daarmay inay ku dadaalaan wax-barashada iyo kororsiga xirfadaha shaqo si ay diyaar ugu noqdaan shaqooyinka cusub ee dalka ka abuurmaya. Waxaana uu tilmaamay inay muhiim tahay in dhalintu garab istaagto dawladda ayna ka dheeraadaan wax-kasta oo wax u dhimi kara amniga iyo xasiloonida dalka.

DHAMAAD

Ahmed Adan

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com