Kismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in ay gaareen magaalada Kismaayo wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ay horkacayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen. Indhoqarsho iyo taliyaha cusub ee ciidamada xooga ee gobolada jubbooyinka Col. Saalax Makoombe .
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in wafidga uu hadda kusoo wajahan yahay hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo.
Waxaa gabi ahaan hadda dagan xaalada magaalada Kismaayo kadib marki maanta Rasaas ay furayeen maleeshiyo Beeleedka raaskambooni uu ku geeriyooday qof rayid ah.
Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com