Hordhac:
Soomaaliaya waa dal ay ku noolyihiin umad isku diin, dhaqan , iyo isku sinji ah sidaasi oo ay tahay soomaaliaya waxa laga hirgaliyay hanaanka federal – ka . federal system ka badanaa waxaa qaata wadamo galay dagaal sokeeye noocay doonaan ha u diriraan, soomaaliyana wadamadaa bay qayb ka tahay.
Qaadashada system-kan federal-ka waxuu lakulmay diidmo kaga iimaatay qeebo ka mid ah bulshada soomaaliyee, balse ugu danbeentii waxaa la isku raacay dalka inuu sii toos ah looga hirgaliyo dowladd ku dhisan hanan federal ah, waxaa laqoray dastuus federal ah oo wali qabyo qoraal ah laakiin lagu jaangooyay federal. dabayaaqadii 2012 waxa dalka laga dhisay dowladd cusub, sida uu qorshaha yahay dalka waxaa laqorsheenaya 2016 in laqabto doorasho xor ah ( one man one vote ) labilaabana dowladdaha xubinta ka ah dowladda federal-ka , la isku raaciyo
labo gobal iyo wixii ka badan, waa sida uu dastuurka qabo. Dowladda ha dhismay waa ka mid ah JUBBALAND oo ay muran badani ka daagamtahay iyo KOONFUR GALBEEB, waxaa labilaabay in ladhiso dowladd gobaleedkii saddexaad oo laga dhisayo GOBALADA DHEXE ( mudug , galgaduud) waxabo yaanan ku dheeraan hordhaca , aan ku da galo dulucda maqaalkayga.
Nuxurka Maqaalka:
Gobalada dhexe ee dalka ( mudug iyo galgaduud) waxaa laga hirgalinaya dowlad gobaleed aanaan wali la turxaan bixinin, gokashiisana la dhigay degmada cadaado, ee gobalka galgaduud.
Dadka odoraso hanan ka dowliga ah ee soomaaliya ee k u dhisan federal government , waxa ay si gooni ah isha uku hayaan hananka loo marayo dhismaha dowlad gobaleedka laga hirkalinayo gobalada dhexe, waxuuna u muuqdaa dhismaha maamulkaa HAL XIRAALAHA FEDERALKA SOOMAALIYA.
Sanadkii tagay waxaa madaxdooyada soomaaliya / villa Somalia lagu saxiixay tubta maamul u sameeynta g/dhexe oo ay saxiixayaal ka ahaayeen ahlu suna waljamaaca sheikh ibraahim guureeye, cabdi qaydiid, baarleex, goobjoogayaal ka ahaayeen beesha caalamka.
Waxana la isku afgartay in galgaduud iyo mudug la israaciyo. maalmo kadib waxaa heshiiskaas dhaliilay diidmona ka muujiyay dowlada puntland oo waqooyiga mudug ka arimiso.
Puntland waxa ay markiibo uyeeratay xildhibaanadeeda uu ga jira barlamaanka federal ka ee soo maaliaya.
Dowlada dhexena xiriirka aya u jertay. Ukala dabqaadid la sameeyay iyo xiriiro diblumaasiyadees waxa lagu qanciyay in aysan wax saameen ah ku yeelan doonin arimaha maamul usameeynta g/dhexe , heshiis lagu gaaray garoowe oo ay wada gaaraan dowlada dhexe iyo puntland waxaa lagu cadeeyay in galgaduud iyo koonfurta mudug loosameenayo maamul, kaasoo ka badal midkii ay dowlada ku saxiixday villa Somalia. Burinayayana dastuurka qaranka ee qabyo qoraalka ah, gobal iyo bar manoqon karaan dowlad gobaleed.
Dowladu markiiba waxaa aya bilowday inay dardarkaliso dhismaha maamul u sameenta g/dhex, balse markiibo waxa gaashaanka u daruuray kana biyo diiday oo ay ka daadagi waysay bulshada ku dhaqan WAQOOYIGA GALGADUUD dowlada dhexena ku eedeeyay inaysan kala tashan arimahaas oo dhan dadka ay khuseeyaan kuna tilmaameen xaajado dhinac ka Rarantahay.
Shir ka dhacay magaalada cabudwaaq ayaa laga soosaaray qodobo dhowr ah waxan ka mid ahaa.
1- in dowlad gobaleed noqon garin gobal iyo bar ( galgaduud iyo koonfurta mudug) dastuurkii dalkana la jabiyay.
2- inta aanan maamul sameeynta lagalin laga hormariyo dib u heshiisiin loona sameeyo shacabka ku dhaqan galgaduud.
3- beelaha wadadaga galgaduud xuduudahooda lacayimo lagu saleeyana xuduudihii 1991 jiray ( ka horeeyay).
Hadaba su’aasha dowlada hortaal waxaa ay tahay qodobada aan kor ku soo xusay uuguna wanyahay. galgaduud iyo koonfurta mudug manoqorkaraan dowlad gobaleed? … Dowlada dhexe ma danta qaranka miyay ka shaqeenaysaa mise dano gaar ah( qabyaaladeesan) ? arimaha maamul usameenta mawaxaa loo marayaa dhalasho wadaag mise oodwadaag?
Waa mida ay ku diidanyihii shacabka WAQOOYIGA GALGADUUD.
Hadaba dowlada soomaaliya mawaxay ku dhiiranaysaa kala qaybinta gobalada siiba gobalka MUDUG kala goynta magaalada gaalkacyo. Madaxda VILLA SOMALIA danda dalka miyay u arkeen inay GALKACYO darbikii baarliin oo kale mariyaan, magaran waayeen inay gobalka mudug isku dhinac mariyaan! Kuna xukumaan dhinacan majooratiga ah in laraaco.
Mudug waa gobal ka kooban 4 degmo iyo magaalo madaxda gobalka oo ah gaalkacyo. Jariiban, galdogo, waa dhanka waqooyika mudug ee puntland, xarardheere , hobyo waa dhanka koonfurta mudug galmudug. Magaalada galkacyo waxa ay ka koobantahay 4 xaafadood, 3xaafad waxa ay hoostakaan puntland. 1xaafad waxa xukuma galmudug. Dhinacee la raacinaya yaase maajoorati ah?
Jawaabteedu waxaa ay tahay waqooyika mudug ayaa majoorati ah ayagaa laraacinaya koonfurta mudug. Sidaase dardeed koonfurta mudug waxa aya ka mid noqonaysaa PUNTLAND. Dowlada federal ka haku qanciso reer galmudug inay puntaland wax la wadaagaan, si looga dheeraado kala qaybinta gobalka mudug.
Balse sida ay hada dowlada wax u wado oo ay koonfurta mudug raaciyaan galgaduud si beel ahaan ah waxay dhabar jab ku tahay arimaha maamul usameenta gobalada dhexe, hoorseedna unoqonkartaa kala qaybinta gobalka galgaduud, oo ukala go’a koonfurta galgaduud iyo waqooyiga galgadud dhuusamareeb lagala gooyo sida galkacyo ,sababtoo ah mudug ayaa qabiil look ala jaray.
Galgaduud waxaa ee ka koobantahay 5 degmo iyo magaalo madaxda gobalka oo ah dhuusamareeb.
Cabudwaaq, balanbal, dhabad iyo dhuusamareeb, Waa dhinaca waqooyi ee gobalka gagaduud. Cadaado, ceelbuur iyo ceeldheer, waa dhinaca koonfurta galgaduud. Gobalkana sidaa buu ukal go’ayaa. Dhuusamareeb waa magaalo ay burburiyeen dagaaladii sagaashanaadkii ee sokeeye, meeqaamkeedi gobal ahaana lumay shacabkii wada daganaa gukala hayaamay.
Gunaanadka qormadayda waxaan ku soo koobaya labo qodob. mida koowaad maamul usameeynta gobalada dhexe ( galgaduud iyo mudug) oo lagu mideeyo hal dowlad gobaleed waa guul us oo hoyaday dhamaan shacabka soomaaliyeed soona afjarikarto dagaalkii sokeeye, maxaa yeelay waxa wada daga dhamaan labda beel ee ku dagaalamay siyaasada soomaaliye dalkana u horseeday dhiilo colaadeed.
Mida labaad, hadii lagu soo dhiirado sida hada wax u socdaan oo aan kor ku soo sharaxay waxa ay gobalada dhexe u horseedi doontaa dagaal sokeeyo gaar ahaa gobalka galgaduud, dibna uu ku celinkaro dagaaladii qaraaraa ee uu gobalka soo maray 60 sano ee lasoo dhaafay. mas’uuliyadeedan waxaa qaadi doona siyaasiyiinta hada xaajada dhan gararayo gaar ahaan kuwaa uriyaaqsan siday hada wax uwadaan iyo madaxweyna xasan sheikh iyo inda ku xulufada la ah.
Dhinaca kale gobalada dhexe waxaa ka hirgalidoona dowlad gobaleedyo yar-yar maadama madaxweynihii dalka jabibayay dasduurka, soomaalida kalena ku dayandoonaan beel walibana sameesandoonda maamul u gaar ah dalkuna isku badali doono maamul beeleedyo yar-yar.
Dowlada bilowday jabinta dastuurka lajiifiyaano banaa, lajoojiyaane banaa. Waana hordhaca kala googa’a gobalada dalka.
MAHADSANIDIIN
W/Q: JIBRIIL JAAMAC RAFLE
ADDRESS: jabra936@hotmail.com