Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Oo Gaaray Magaalada Doolow Ee Gobolka Gedo.

0

ugaaskaDoolow (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay gaareen Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Ugaaska Guud ee beesha Sade Ugaas Maxmed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi.

Wafdiga uu hogaaminayay Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Nabadoono, Waxgarad, Siyaasiin iyo qeeybaha kale ee kala duwan ee bulshoweynta ku dhaqan magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Safarka Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa waxaa ku weheliyay odayaasha dhaqanka beesha Sadde ee dhawaanahaan ku sugnaa Caasimada dalka ee Muqdisho.

Wafdiga Ugaaska uu hogaaminayay ugu horeyn markii ay ka degeyn garoonka diyaaradaha ee degmada Dooloow ayaa waxaa warbaahinta la hadalay Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi waxa uuna u sheegay in sanad ku dhawaad ay uu joogeen magaalada Muqdisho Arrimo la xiriiray ka hortaga marin habaabinta  dhaqanka beesha Sade.

Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi  ayaa sheegay in ay u soo dhamaadeyn dhamaan Arrimahii ay u tageen magaalada Muqdisho guulna laga soo gaaray dhamaan hadafki ay ujoogeen magaalada  Muqdissh una rajeynayo  bulshada ku nool gobolka Gedo in ay ku wada noolaadaan Nabad iyo barwaaqo.

Sidoo kale Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ayaa waxuu ka hadalay xaalada gobolada Jubooyinka ee shalay loo doortay labo Madaxweyne waxuuna sheegay in dhaqanka gobolka Gedo ay ka xunyihiin sida ay waxa ug socodaan magaalada kismaanyo, waxaana baaq uu diray shacabaka  ku nool halkaasi in ay ilaaliyaan Nabada iyo Aminga.

Isku soo wada duuboo Ugaas Maxamed Ugaas Cumar ayaa imaatinkiisa gobolka Gedo waxa uu wax weeyn ka badalayaa dhamaan jawiga Siyaasada iyo Dhaqanka ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Carsanyo Bayoow
Muqdisho, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com