BISHII AGOOST SANADKII LA SOO DHAAFAY, AYAA SOMAALIYA KA BAXDAY KU MEEL-GAARNIMADII OO AY DAWLAD DHAMMAYS AH NOQOTAY.
HALKAAS WAXAA KA BILOWDAY, REJOOYIN IS DIIDAN OO ISUGU JIRA:- YIDIDIILOOYIN IYO QUUS-QAADASHO. DADKA QAARKOOD WAXAY KU DOODAYEEN, WAXBA ISMA BADDALAYAAN, WAXAYNA KU SABABEYNAYEEN DAWLADNIMO XUMADA DAA’INSATAY UMMADDA SOOMAALIYEED IYO HAGARDAAMADA KAGA IMAANAYSA BEESHA CAALAMKA.
WAXAA JIRAY DAD AAD UGA BADAN KUWII HORE KUWAAS OO QABA FAKAR KAAS KADUWAN KANA FIICAN. DADKAASU WAXAY QABEEN INAY SOO BIDHAAMAYSO REJO WANAAGSAN OO GOMANIMADII CIYAARTA KU DHUNTAY HADDA LA DABA QABTAY, LAAKIIN DADKAAS RUUXOODU KAMA WALWAL LA’AYN IN REJADAAS LAFTEEDA MUSU’MAASUQ BOQNAHA JARIDOONO.
MAXAA SOO BAXAY?
WAXAA SOO BAXAY WAXAAN LA FILAHAYN. MARKII LOO FIIRSHO MEESHA LAGA JABAY, SIDA LOO JABAY IYO WAQTIGA LA JABAY WAXAA SOO BAXAYA QIYAAS QUUS KU DHAW. LAKIIN DAWLADDA DHAWRKA BILOOD JIRTAA WAXAY NOQOTAY MID U BAREERTAY INAY GOD MADOW KOOR HABEYNA QACANTA GALISO OO SACABKA KU QABATA DHEEMMAN WAARE NAGA LUNTAY KUNA DADAALEYSA INAY DIBADDA SOO DHIGTO.
MAXAA CADDAYN AH?
ARRIMA GUDAHA:-
* IS QAB-QABSIGII SIYAASADEED OO MEESHA ka BAXAY.
* DHAQAALIHII YARAA OO LA XAKAMEEYEY.
* NAD-GALYADII OO WAX WEYN LAGA QABTAY MARKA LOO EEGO XAALADDA JIRTA.
* DAWLADDA FAKARKEEDA, TALADEEDA IYO MUUQAALKEEDA OO GAARAY GOBOLADA DALKA OO DHAN.
HAAYADIHII DAWLIGA AHAA OO ASAASKOODA SALKA LOO DHIGAY.
* MUSUQ MAASUQII OO LALA DAGAALAY ILMAA SARAAKIIL SARSARE XABSIGA LOO TAXAABAY.
* MAGAALA MADAXDA OO NABAD AHAAN IYO QURUX AHAABA LA NOOLEEYEY.
* MIDNIMADII SOOMAALIA OO HALGAN CULUS LOO GALY MEEL FIICANNA MARAYSA.
* WAX QAYBSIKII KU DHISNAA 4.5 OO LAGA GUDBAY.
* WAXYAABO KALE OO INTAAS OO KALE KA BADAN OO MALDAHAN.
ARRIMAHA DIBADDA:
* SIYAADDA DIBADDA OO LA DHALANROGGAY.
* SAFAARADO FARA BADAN OO DALKA LAGA FURAY.
* SAFARADII MADAXWEYNUHU KU TAGAY:-
I. MARAYKANKA.
II. INGRIISKA OO LABA JEER AH.
III. MIDOWGA YURUB.
IV. AFRICADA OO DHAWR JEER AH.
V. CARABTA OO WAQTIYO KALA DUWAN IYO DALAL KALA DUWANBA LEH.
VI. SAFARKII WASIIRKA KOWAAD KU MARAY DALALKA AY KA SOCDAAN CIIDAMADA AMISON.
VII. KU XIG. WASIIRKA KOWAAD AHNA WASIIRKA ARRIMA DIBADDA OO AAN CAGTA KA DHIGIN SIDII UU U HAGAAJIN LAHAA XIIRKA CAALAMIGA AH EE SOOMAALIYA ADUUNKA LA LEEDAHAY.
VIII. BARLAMAANKA OO ISAGUNA DHANKIISA BOOQASHOOYIN BARLAMAANADA ADDUUNKA KU GALAABIXINAYA EE UU DAMBEEYEY KII BISHAAN GUDAHEEDA UU GUDDOOMIYAHA BARLAMAANKA SOOMAALIYEED KU TAGAY DALALKA SKAANDA NEEBA QAARKOOD.
KAGA-MARAG ADDAN LAGU ORAN, KUUMA MEEL MARIN.
GUULAHAAS OO DHAMI WAXAY NOQDEEN KUWO DADKA SOOMAALIYEED WADA REEYAAQEEN, XITAA MUCAARADKU HOOS BEY UGA GUUXAYAAN. WAXAA SOO NOQDAY QABKII IYO DAREENKII GOBANNIMO EE BARI HORE LUMAY, WAXAA BILOWDAY IN QURBA JOOGTII IYO GANACSATADII WAA HORE DALKA KA QUUSTAY AY DIB U SOO NOGDAA OO AY DALKA MAAL GASHADAAN. WAXAA TARTIIB TARTIIB U SOO GALIYA DHALINTII SHABAABKU MARIN HABAABIYEY.
WAXAA DADWEYNUHU KU SOO DHIIRANAYAA INA NABADA IYO HORUMARKA KA QAYB-QAATAAN. WAXAA LA MARAYAA WAQTI WAAGU BARYEY QORAXDANA LAA LA SUGAYAA!
GUULAHAAS AAN KOR KU-SOO DHAAMEELSHAY, MAHA KUWO AFKA BAARKIISA AH OO AAN ANIGU SOO DHOO-DHOOBAY, EE WAA KUWO BULSHADA CAALAMKA OO UDBAHEEDII IYO DHIGAHEEDII WATAA DHARAAR CAD KA MARQAATI FURTAY.
SHIRKII MAGALADA LONDON KA DHACAY 7/5/2013 EE LOOGA HADLAYEY ARRIMA SOOMAALYA KALIYA WUXUU AHAA MUCJISO KU CUSUB TAARIIKHDA SOMAALIYA. XITAA DAWLADIHII RUNTA AHAA EE SOOMAALIYA MA HELIN FURSAD TAAS LA MID AH MANA HELIN MARQAATI FUR DAWLADNIMO WANAAG OO KAAS LA MID AH. WAXAAN FARXAD LA GAMAAYOODAY MARAAN ARKAY ADDUNKII OO KURAASTA HOOSE FADHIYA, IYO MADAXWEYNIHII SOOMAALIYA OO DARGADA SARE FADHIYA OO HADALKA QAYBINAYA.
DEEQDII BADNAYD EE NALA SIIYEY WAXAA KA QAAYO WEYNAA, MARKAATI FURKII AY KU QEEXEEN SIDA AY RAALLIGA UGA YIHIIN SHAQADA AY WADDO DAWLADDA MAANTA JIRTAA! WAXAY AMMAANEEN BILOWGA WANAAGSAN IYO MITIDIDDA DAWLADDU WADDO, WXAYNA BALLAN QAADEEN INAY HIIL IYO HOOBA LA GARAB ISTAAGI DOONAAN TAASUNA WAA FURSAD AAN DAYACAAD MUDNAYN.
HADABA DAWLADDAAN KASOO SHEEKEYNNA MOOSHIN LAGU RIDAYO MA ISTAAHISHAA?
WAXAY ILA TAHAY IN SU’AASHAAN JAWAABTEEDU AYNA MAYA FURSANAYN. MARKAASNA SU’AAL KALE AYAA HALKAAS KA FARCAMAYSA WAANA SIDAAN:-
HADDII ARRINTU SAAS TAHAY, MAXAA KEENAY IN MUDANAYAASHII DADKOO DHAN LAGA SOO XULAY QAAR KA MID AHU U SOO JEEDIYAAN MOOSHIN DAWLADDA LID KU AH OO WALIBA CAAN KULUL WATA, MAXAASE MUDANAYAASHU ISU CESHAN WAAYEEN OO U OGAAN WAAYEEN INAAN BULSHADA SOOMAALIYEED AQBALI DOONIN MOOSHIN DHABAR-JAB KU AH QARANNIMADA SOOMAALIYEED EE HADDA DIB LOO YEGLEELAAYO?
NIN AMBADAY, HALKUU AADAY, WAA ULA EKOONAYD.
MARKII DADKU HAMBAABIRAY MOOSHINKAAN LAMA FILAANKA AH, WAXAA DURBADII LA BAADI GOOBAY SABABAHA DHALIYEY, WAXAANA LA DHAAFIN WAAYEY SADEX ARRIMOOD OO KALA AH:-
* XILDHIMAANO KA CARAYSAN ARRIMO QABIIL.
* XILDHIIMAANO KULULAADAY.
* XILDHIMAANO BARLAMAANKABA U SOO GALAY INAY DAWLAD KASTA OO AYNA IYAGU MADAX SARE KA HAYN BOQNAHA JARAAN IYAGOON KALA JECLAYN INAY FIICANTAHAY IYO INAY XUN-TAHAY.
SADDEXDA ARRIMOODBA WAA MUSTAWE HOOSE OO AAN KU HABBOONAYN INU KU DHAQAAQO SHAQSI GAARAY DARAJADA MUDANANIMO, HADDISE LA KALA QAADO WAXAA UGU XUN KUWA SHAR U JOOGGA AH OO ILBAADSANAYA SIDAY DALKA DID UGU SOO CELIN LAHAAYEEN FALKII NAXDINTA BADNAA EE AY BERYO HORE DALKA KU MAAMULI JIREEN.
GABAGABO.
ARRINTAANU WAXAY U BAAHAN TAHAY:-
* IN SHACABKU KA SAMEEYO KACDOON DHIIRAN.
* IN MEEDIYAHU KAALINTIISA KA QAATO.
* IN BARLAMAANGU SHARAFTIISA, TAN QARANKA IYO TAN DAWLADDABA BADBAADIYO OO MOOSHINKA KA SOO QADO (WAQTI SALAAD LA TUKADO JOOGEE, IN WADAADKA CAWRADIISA LA ARKAA XUGNAYD).
BARLAMAANKU KA FEJIGNAADU RAGGA TAARIIKH XUMADA SIYAASADEED IYO MALIYADEED CAANKA KU AH, HADDANA MUDANAYAASHA KA MID AH, KUWAASOO MEESHABA U JOOGA INAY SIDA SHAYDAANKA WAX U DUUFSAAN QARANKA QAR DHEER KA TUURAAN.
WAA BILLAAHI TAWFIIQ.
15/5/13.
KHALIF ASHKIR.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com