Madaxweyne Dr Gaas Waxaan is xasuusinaynaa taariikhda ay soomartay puntland laga soobilaabo burburkii dawladii dhexe ee soomaaliyeed 1991 dii.Burburkaa kadib waxaa waxgaradka iyo siyaasiga puntland garteen in ay dhistaan maamul iyo kala danbayn deegaankooda ah isla markaana ay baadi goobaan in la caymiyo qarankii soomaaliyeed iyo nidaamkii dawliga ahaa ee burburay. dadkan oo u farayay si wadaniyad leh iyo soomaalinimo.Hayeeshee waxay dhisteen 1998 dawlad goboleed ay ku bad baadiyeen shacabkoodii deegaanka iyo soomaalidii u soo qaxday gobolodooda taariikhdaana qortay. waxaa markiiba hore loogu sii socday hadafkii soomaali nimo ee soomaaliya lagu bad baadin lahaa arintaan waxaa garwadeen ka ahaa Aabihii puntland mudane Abdullahi yusuf Ahmed ilaahay ha u naxariistee.
Naftiisii iyo maalkiisii iyo maskaxdiisiiba waxa uu u huray in uu wadacad cagta u saaray puntland oo dhisay maamul sal adag leh oo lagu reeyay iyo kan hamigiisa oo dhanba uu ahaa oo ahaa in uu soomaali ku soo celiyo hanaankii dawladnimo oo uu ku guulaystay in uu dhiso dawlad leh madaxwayne xukuumad iyo baarlamaan oo fadhigiisu yahay madaxtooyadii soomaaliyeed ee sandyaalo laga caagay tanoo hada dhaxalkeedii aad aragtaan oo soomaali uu ugatay.2004 ayuu u dhisay soomaali waxa maanta ay haysato taariikhdaana qoraysa.
Waxgaradka leh siyaasi iyo aqoonyahan ee puntland ayay ahaayeen kuwii dhisay doortayna madaxwaynihii u horeeyay.iyagoo isku duuban bay u gudbeen inay soomaaliyana u dhisaan dawlad shaqaysa waana ku guulaysteen.Puntland waxaa isaga danbaysay rag wada ruugcadaa ah oo uugu horeeyay Abdullahi oo uu kuxigay Maxamed Abdi xaashi oo uu kuxigay Cade muuse oo uu kuxigay Abdiraxman.Ragan oo uu nin waliba halkii kasii waday isku xirka umada puntland iyo amaankooda iyo hormarkooda inkastoo xiliyada qaarkood dabacsanaan amaankii ah dhacday.
Puntland waxay leedahay aragti wadaniyadeed oo soomaalinimo kamana aysan gaabin waligeed in ay hormuud u ahaato aayaha umada soomaaliyeed,waxayna wax ka go aamin jirtay dhacda kasta oo ku saabsan dalka soomaaliyeed masiirkiisa xaqna way uleeyihiin.Puntland waxay xooga saari jirtay qan cinta daagaanada maamulkeeda hoosyimaada,waxay dhisi jireen deegmooyin iyo gobolo cusub iyo kuwo dhisnaa oo ay aqoon satay tanoo shacabka ku beertay kalsooni iyo inay dhulkooda iyo dagaankooda iyo dawladooda aaminaan,shacabku waa ku iimanqabay dagaankiisa iyo maamulkiisaba intabadan.
Puntland shalay horseed soomaaliyeed bay ahayd maanta lama orankaro.maamulkan cusub ayaa sababaya in laba arimood oo ay ka gaabiyeen keentay wax aana afka soomarin karin hada. laba arimood ee uugu waawayn ee ay gabtay waa sidan hoos ku xusan.
1.Arimaha gudaha ee dagaaneed
2.Arimaha fadaraalka ee caasimada kasocda
Arimaha gudaha ee dagaanka dhaliilo ayaa jira dhankii gobaladii sool,sanaag,iyo cayn mana doonayno hada in aan sii lafo guro arinkaan,dhanka kale goblka mudug waxaabad moodaa sidii midaan ka tirsanaynba Puntland malihi dawladu waxwalba ha qabato ee waxaan leeyahay maxay u hor istaagtay 3 magaalo oo kamid ah mudug in lasiiyo xuquuqdooda deegaaneed si dadku u hormaro dagaankuna u camirmo? wax baan reebanaynaa laakiin timir lafbaa ku jirta diidmadaan waxbaa weheliya! Mudug ahaan mafahmi karo diidmada Magalada BURSAALAX,Maagalada DAARASALAAM iyo Magaalada CAGAARAN.in loo aqoon sado dagmooyin maadaama ay soo buuxiyeen shuruudihii dagmo laga doonayay anagoo aragna ogsoona in Madaxwayne gaas maamulkiisu dagmo u aqoonsaday labadii dagmo ee u danbaysay sida SAAXDHEER. dagmooyinka oo la aqoon sadaa waxay kamid tahay hormarka xaga dagaanka in la camiro hadii dagaanka la camirana waxaa dhacaysa hormar xaga ganaacsiga ah iyo mid difaacba hadii cadaw soo damco puntland.
Arintan hadii lagu baraarugi waayo waxay kala fogaynaysaa shacabka iyo dawlada kalsoonidoodii loomana baahna in dawladu shacabka dhagaysan waydo rabitaankiisa.magarankaro fikirka oranaya wax walba garoowe halgu soo koobo sidii hada kahor mogdisho loogu koobi jiray waxwalba tani waa dib u dhac horaan usoo aragnay waa in maamulka la balaadhiyaa oo deegaano la abuura cusub iska dhaaf kuwo jira in isbaaro loo dhigtee. arintaa waxaan si asluubleh ku daynayaa dib u eega kumana jirto waxaan faaiido u ahayn puntland.
Arimaha fadaraalka ee caasimada kasocda ragii kahoreeyay gaas hormuud bay ka ahaayeen waa cadahay hada waxaan aragnaa,arimihii fadaraalka oo laleeyahay mogdisho iyo hargaysaa kuwada hadlaya dalka turkiga, oo kahadlaya arimaha dalka soomaaliya,waxaan aragnaa mogdisho oo gobolada dhexe dad ka kaxaysay oo maamul u dhisaysa oo intaa kuma ekaane dhulkii puntland gobolka mid ah qaadatay oo maamul ay dhisayaan ku darsatay. dadkii waxay is waydiinayaan puntland miyaysan maamul lahayn away gaas waa diktoor aqoontiisa laga yaabayna waaba maqlaynee?
Tani waxay isoo xusuusisay BORIS YELTSIN oo ahaa madaxwaynihii dalka ruushka 1991-1999 oo aad u jeclaa inta dadka shiriyo koox fanaaniin ahna dalbado in muusik la tumo oo la qoslo oo uu isagu marmarka qaar heeso ama muusikada garaaco,halka dalkiisu xiligaa haliskujiray iyo burbur ilaa markii danbe la gaarsiiyay in dalkaba lagala wareego intuu heesayay. waxa uu oranjiray markii lafurfuray siyaasadii dalkiisa oo la dhexgalay waxaan saaka ridayaa nukliyeerka reer galbeed baan ishaynaa dagaalkii sadexaadba dhacyee ogaadaay!!! hadana waa iska seexdaa ama muusigii iska cayaaraa mardanbuu hadana soo baraarugaa oo bilaabaa ogaadaay bari dagaalkii sadexaad baa dhacaya saa hadana waa iska seexdaa ama heesaa. aakhirkii dalkii oo cadaw qabsaday waxa u kacay putin oo caymiyay dalkiisii.
Puntland dhaqan umalaha nin hurdoo gadaal wax kasoo gocda mana u baahna BORIS YELTSIN!!.
Puntland xiriir fiicanbay lalahayd dalalka dibada hada sidii hore ma ahan,gudihiina waaba aragnaa sidaa daraadeed dib haloo turxaan bixiyo puntland hadaan wax dhimay kutalo galmaha iyo in aan shiqsi xumeeyo iyo shacaba ee waa wanaag aan uqabo in puntland ay horumarto iyo danta guud iyo israac soomaaliyeed iyo wadajir sidaa haloo fahmo.runtuna waa lama huraan.