Faalo: Taariikhda Baardheere ma ahan mid qof iyo labo ay qaldi karaan ee waa mid lawada yaqaan.

0

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ah Degmada Taariikh ahaan ugu faca weyn Gobolka labaad ee Soomaaliya ugu weyn ee Gedo, waxayna so martay marxalado kala gadisan.

Waxay aheyd Magaaladii Gobolka gedo guud ahaan Saldhigga u aheyd Gumeystihii Talyaaniga, waxaana la xasuustaa in rag badan oo maanta qaarkoodne noolyihiiin qaarne dhinteen ay la soo shaqeeyeen talyaaniga kuwaasi oo badankood ka soo jeeda Beesha Sade.

Kadib gumeystihii Talyaaniga iyo qaadashadii Xoriyadda Dalkeena sanadkii 1960-kii Baardheere waxaa maamulayay Hogaamiyayaal kasoo jeeda Beelweynta Sade, kuwaasi oo laga xusi karo Cabdulaahi Xasan Nuur,Maxamed Cali Daacuun, Faarax jaamac Xuseen iyo masuulyiin kale kuwaasi oo isaga kala danbeeyey Hogaaminta Maamulka Degmada Baardheere sanadihii u dhaxeeyey 1960-1969 xiligaasi oo uu talada Dalka La wareegay Madaxweynihi iJamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Soomaaliya Major general Maxamed Siyaad Barre oo isaga qudhiisa ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Mudadii ay jirtay Dowladdii ka caanka ee Soomaaliya, waxaa Maamulka Magaalada soo qabtay Dadyow kala duwan kana soo kala jeeda beelo kala gadisan bacdamaa Xukuumadii kacaanka Siyaasadaheeda ay kamid aheyd in Qofka Degaanka uu ka soo jeedo ma ahane Meelkale Loo magacaabo, arintaas oo ay baardheere la qabtay Degmooyinka iyo Gobolada Kale ee Dalka.

Xilligii ka caanka Magaalada waxaa soo maray Sagaal Gudoomiye Degmo oo 5 ka mid ah ay kasoo jeeden beesha Sade, 2 ay kasoo jeedeen Beelaha Digil iyo mirifle, Hal Gudoomiye oo ka soojeeday Beesha Ajuuraan  iyo hal Gudoomiye oo kasoo jeeday Waqooyiga Soomaaliya,

Wixii ka danbeeyey Burburkii Dowladdi kacaanka waxay Magaalada gashay jawi colaadeed oo ay ka qabtay Guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, inkastoo Maamulkeeda uusan gacanta beesha Sade kabixin marka laga reebo Sadex Bilood oo ay haysteen jabhadii USC ee uu hogaaminayay general Caydiid, kuwaasi oo markii  dambe lagaga saaray Qori Caaradii.

laga soo bilaabo 1992-2008 oo ay magaalada baardheere la wareegeen Ururka Al-shabaab Magaalada waxaa soo maray Gudoomiyayaal Dhowr ah oo ay kamid yihiin Maxamuud Cabdi Dhurwaa, Fanax Barre Warsame,Xasan keyd, Barre Buuf iyo Maxamed Shariif Xirsi Dhudi oo dhamaantood kasoo jeeda Beesha Sade Daarood.

Taariikhdu ma ahan wax qof ama labo ay qaldi karaan baardheerane Sooyaal siyaasadeed iyo mid deegaan ayey leedahay, waana wax aan la qaldi qarin ama muran aan lagalin karin Magaalada taariikhdaasi leh waana nasiib darro in ay Dhalinyaro Qabyaalad Madax martay isku  dayaan in beelahooda oo qaxootiga dhadhaab ku xareysnaa Mudoooyinkii Burburka iyagoo dhul u raadinaya ineey Maanta sheegtaan magaaladaasi Faca weyn taariikhdaasi dhameystirane leh.

Magaalo marka laga hadlaayo waa meel ay dad badan dagaan ama isku qabiil ha ahaadeen ama isku dhaf e, Sidoo kale Magaalo waxaa aslan Deegaan u ah Qofka Caanaha keena, kan Hilibka Keena iyo Midka Khudaarta keena intuba waa layaqaanaa waxaa laga keenaa ku dhawaad 200 oo tuulo oo badankood ay degto Beesha Sade.

Baardheere cidine ma diidana in beelo soomaaliyeed oo kooban ay wax ka daganyihiin, sida Beelaha Ajuuraan iyo Raxanweyn balse waa in la isweydiiyaa maxay ka yihiin? magaalada maamulkeeda awood ma ku leeyihiin? Dhaqaalo ahaan waa sidee beelahaasi magaalada Wax ka dagan? , Tulooyin ay iyagu leeyihiin oo magaalada hoos yimaadase majiraan?.

Waa su’aalo in la isweydiiyo u baahan marka hore labada beelood een soo sheegay waa dad magaalada kuyar (Minority) Kuna kooban Xaafad kamid ah magaalada, ganacsi buuran kuma  laha magaalada Wixii maamul soo marayayne Qof reerahaasi kasoo jeeda oo xil kasoo qabtay majiro Marka laga reebo Xukunkii kacaanka oon soo sheegnay ineysan Beelaha Deegaanada sida ay u dagaan uusan ugu magacaabi jirin Maamulka Deegaankaasi .

Hadaba iyadoo labadaasi beelood een soo sheegnay ay Beesha Sade ku wehliyaan Degaan ahaanshiyaha Degmada Baardheere hadane maba ahan Dad wax loo diidanyahay ee waa dad la qirsanyahay ineey magaalada wax ka dagaan shacabka ku noolne ay kamid yihiin, balse Suuragal ma ahan in maamulka iyo kuraasta ka imaan doona Baardheere ay qeyb kuyeeshaan Bacdamaa Ay Minority yihiin.

Marka beelo kamid ah beelaha Dagan Baardheere ay sidaas kayihiin hanaanka maamul iyo kan awood qeybsi ee Degmada Xagee joogaa nin Nus qarni ka hor lagayaabo inuu wax ka dagi jiray Degaanka Balse iskiis isaga guuray oo ka doorbiday qaxootinimo.

Sideyse suuragal  kutahay in Haldoorada Soomaaliya dad kamid ah oo kasoo jeeda Beesha Sade Deegaanadii ay Ku dhasheen kuna wax barteen Xilal sarane ka gaareen sida Sarinleey, faafaxdhuun, Garileey,Caws-qurun, Diif iyo Deegaano badan oo hoos Yimaada Degmada Baardheere, in maanta ay shegtaan Dad Qaxooti ah oo aan asal iyo farac midna u dagin Degaanka ay sheeganayaan, kaba sii  darane Qaarkood uuba maqal kuyahay oo aysan Arag meesha ay sheeganayaan.

Gunaanadka faaladeyda ee aan ugu jawaabaaayo Shakhsiyaad ay Qayaaladu madax martay ayaan ku soo gunaanadayaa in Soomaalidu istaqaano Qofkastaane uusan ka lumeyn Deegaankii uu ku dhashay kusoo koray kuna soo hana qaaday, waxaana leeyahay dadka dhul balaarsiga wada ee doonaya ineey helaan deegaan aysan u dhalan dadkii daganaane ku sheegay dad aan deegaan aheyn ineey ka waantoobaan Arimaha Noocaasi oo kale ah.

Beesha Sade oo iyadu u muuqato mid ka siijeeda Deegaankeedane waxaan xasuusinayaa inuu ku furanyahay Dagaal Siyaasadeed iyo mid dhul balaarsi lagu raadinaayo, waxaana ugu baaqayaa ineey si dhaw ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada hoos-galis ah ee lawado, kuna mintidaan Deegaankooda, waxaana leeyahay Majirto beel aan laga waayeyn Shakhsi caade qaate ah balse,inta wax garadka ah iyo inta damiirka lehba waa ineey arimahaan soo xusay si dhaw ula socdaan.

 

baaarka1baaarka2baaarka3baaarka4baaarka5baaarka7baaarka8baaarka9baaarka10baaarka11

F.G: wixi italo iyo Tusaale ah kusoo Hagaaji Emailka Hoos ku qoran

Shaafici Cabdinuur

Shaafici121@gmail.com