Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwaan xiligii xorriyadda laqaatay ee laga hoos baxay mustacmaradii) Reer Galbeedka waxaa dalka ka bilowday xulufaysi iyo xisbiyo doonayey inay maamulan maslaxa siyaasadeed markaas oo ummadda Soomaaliyeed ay aad ugu hamuun qabeen xorriyad iyo hogaamiyayaal Soomaaliyeed haatana waxaa socota sawir aad ugu og kii 60,kii. waxa xusul duub ku jira xisbiyo aan xaafiiso ka furan karayn dhulka ay rabaan inay xukuman..
Xiligii xorriyadda kadib waxaa bilowday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed iyo samaynta xisbiyo xad- dhaafa waxaa dalka ka Abuurmay xisbiyo gaaraya 90 xisbi 74 kamida ayaa u tartamay 123, kursi oo barlamaanku ka kobnaa waxaa xisbiyada ugu xog badna xisbigii leegada (SYL) oo ku guulaystay 73 kamida kuraastii loo tartamayey waxaana la sheega inaysan meesha ka maranayn musuqmaasuq iyo wax is dabamarinta. Sidan ka soo xigtay Taariikhda Soomaaliya- Somali History 1800-1977 P-1
Hadda waxaa Soomaaliya ka socda abaabulka iyo dhismaha xisbiyo ka asaasmaya dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxaa magaaladda
Madasha Midnimada iyo Wadatashiga Soomaaliyeed ayaa dhawaan waxaa looga dhawaaqay Caasimadda Muqadisho oo ah halka ay ka miisan tahay miisaan siyaasadeedka hadda Soomaaliya lagu maamulo waxaana xarumaha muhiimka ka socda xulufaysiga iyo xaflado lagu asaasaayo xisbiyo aan dal xasiloon haysan..
Madashaas waxaa loo doortey raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Shiikh Axmed, labadiisa ku xigeen ayaa loo doortey Cabdiraxmaan Baadiyow, oo sanadkii 2012 ka mid ahaa Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaan. Xuseen Carab Ciise oo mar soo noqdey Wasiirka difaca Waxaana xogyaha madaxasha loo doortey Cali Maxamed Maxamuud…
Siyaasiintan iyo aqoonyahannadaan ayaa ah kuwo aad samayn ugu yelan kara isbadal ka dhaca Soomaaliya xulufadan midobay waxaa hogaanka u haya ra,iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali sheikh Axmad oo shacbka Soomaaliyeed ay barteen kadib markii khilaaf soo gala dhex galay madawayne Xasan Shiikh iyo xertisa ka agdhaw ee lagu magacaabo damal-jadiid inta badaan shacabiga Soomaaliyeed ayaa aad ugu sacabo tumaya hogaamiyaha loo doortay Madasha Midnimada iyo Wadatashiga Soomaaliyeed..
Dhanka kale waxaa madasha ka dhex muuqda siyaasiin aad miisan ugu leh siyaasadda Soomaaliya xildhibaanno iyo barafasooro Soomaaliyeed waxaana kamida barafasoor Cabdirahmaan maadiyow barafasoor Maxamad Cabdi gaandhi. Xildhibaano aad uga so horjeeda siyaasadda madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud oo uu hormuud u yahay Xildhibaan Cabdibare Yusuf Jabriil Xildhibaan Xusen Carab Ciise Xildhibaan Maxamad Yusuf iyo siyaasiinta rug cadaya aadna uga soo horjeeda siyaasadda madaxwayne Xasan Shiikh iyo saxiibadiisa loogu magac daray damal –jadii..
Dawladda Soomaaliya ayaa ah mid ku tiirsan caalmka haddii ay noqon lahayd dhanka ciidanka dhaqaalaha iyo is garsiinta dhanka socdaalka hogaamiyayaasha Soomaaliya ayaa loogu hanjaba in laga joojin doono dhaqaalaha iyo tageerada beesha caalmka haddii ay ka soo bixi wayaan doorashooyinka riyada ee 2016,ka waxaa gadaal ka riixaya beesha caalamka oo siyaasiinta Soomaaliyeed ku Canaanta waa inaad fulisan ballantii 2016ka in Soomaaliya laga hirgaliyo doorosho xora waase riyo aan xornimo haysan mar haddii amanka Soomaaliya uu yahay mid an la isku halayn karayn..
Waxaase is waydiin mudan Soomaaliya oo 25 sanno nidaam daro ka jirtay haatana wili la daalaa dhacaysa amaan xumo dhaqaalo yari iyo musuqmasuq hareyey laammaha hay ‘yaddaha dawligaa sidee 2016,ka doorasho xora oo xalaala uga qabsoomi karta?
Waxaa ilaa hadda la isla fahmi la ‘yahay nidaamka xukunka baahsan ama federalismka waxaa jira gobolo awood is bidaya waxaa jira kuwo aan xitaa mamul loo samayn iyo kala danbayn waxaa jira inaan xudduud loo kala yeelin maamuladda hadda dhismay iyo kuwa gacanta lagu hayo ee dhismaaya hadaba sidii ayey suura gal ku tahay wax ka yar hal sanno iyo bar in Soomaliya ayka qabsoonto doorasho mawaadin kasta codkiisa dhiibto?.
11,feebaraayo 2015,Barlamaanka ayaa cod buuxa ku ansixiyey guddiga doorashooyinka madax banana waxaase is waydiin mudan guddigaan xitta caasimadda Soomaaliya ayeysan nabad ku dhex mari karayn gobollada Soomaaliya qarkood xittaa guddigu cag ma dhigi karaan barlamaanka ansixiyeyna waxay matalayaan 18, Gobol ee Soomaaliya xaalku ma lafiifiya banan baa?..
Soomaaliya waxaa hogaanka u haya Madaxwayne ka yimid bulshada rayidka oo aan ahayn qurbo jog 10,9, 2012 ayaa loo doortay madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud wuxuuna ballan qaaday inuu dalka garsiinaayo doorasho xora marka la gaaro 2016ka waxaase muuqata inaysan suuragal ahayn in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho..
Dadka sida dhaw ula socda siyaasadda Soomaaliya waxay qiyasaan in madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud laga yaabo in xilka loo kordhiyo oo muddo loogu daro taaso Shaki galisay siyaasiinta isku bahaystay xisbiyadda hada la asaasaayo saxiibada
Ugu dambayntiina Soomaaliya
Waxaa qoray Cabdinuur Faarax Maxamuud
Email – abdinuur02@gmail.com ama guuleed72@hotmail.com