Wada hadalo u dhexeeya Dowladda Somaaliya iyo Maamulka Somaaliland Ayaa maalinta Beri ah la filayaa inay dib uga furmaan Dalka Turkiga.
Wafuud ka kala socda labada dhinac ayaa la sheegayaa inay kusii qulqulayaan Magaalada Istambuul kuwaasoo wada xaajoodka yeelan doona.
Wadahadalka Beri bilaabmaya ayaa kamid ahaa qodobadii ka soobaxay Shirka Bishii December sanadkii 2014 ay Magaalada Jabuuti ku yeesheen Madaxweynayaahs aSomaaliya iyo Somaaliland.
Lama oga Qodobada diirada lagu saari doona Wadahadalka Beri ka furmaya Turkiga balse dadka dhaliila waxay leeyihiin markasta labada dhinac muhiimada kama qabaaraan wadaxaajoodka u dhexeeya.