(Dhageyso+Sawirro) Dowlada Soomaaliya oo Heshiis la saxiisatay Bangiga Horumarinta Afrika iyo Urur gobaleedka IGAD.

0

Wasiirka Maaliyada xukuumada Federaalka Soomaaliya Max’ed Aadan Ibraahim ayaa heshiis seddex geesood ah magaalada Adis-ababa kula saxiixday Bankiga Hormarinta Africa iyo urur goboleedka IGAD,heshiiskaasi oo ku aadan sidii loola tacaali lahaa abaaraha ku soo noq noqday gobolka. 

Wasiirka maaliyada oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Adis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegay in muhiimad gaar ah u leedahay heshiiskana uu quseeyo in la dhiso Bulsho maareyn karta noloshooda marka ay abaari dhacdo.

Heshiiskaan ay Dowlada Federaalka Soomaaliya la gaartay Bankiga Hormarinta Africa iyo urur goboleedka IGAD ayaa soconaya mudo shan sano ah ayaa ku dhamaanaya sanadka 2020.

Wuxuu sheegay Wasiirka maaliyada in Barnaamijkaan ujeedadiisu ay tahay in la hubiyo bulshada u jilacsan abaaraha iyo marka ay dhacaan dhibaatooyin dhanka nolosha.

Dalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dalalka ay ka dhacaan abaaraha kuwaasi oo marka ay dhacaan halakeeya dad u badan Haween iyo carruur.

Hoos ka dhageyso codka:

Hoos Ka Daawo sawiradda:

fargeeto-740x493 heshiis-1 heshiis-2 heshiis-3 heshiis-4 heshiis-5