ALLGALGADUUD MEDIA : Xildhibaanad Ubax Tahliil oo la Hadleysay dadka ka Qeyb Gelaya Shirka Dhuusamareeb ayaa sheegtay in uusan Xasan Shiikh Diyaar u aheyn Dhismidda Maamulka Gobollada dhexe, Jawaari ayey ku sheegtay in uu tegay Gobollada qaar uusana tegin Galgaduud iyo Mudug.
Xildhibaanada oo ka mid ah Dadka Gobollada dhexe kana Qeyb geleysa Shirka Nabadda ee Gobollada dhexe ayaa sheegtay in aysan Dadka Gobollada dhexe aheyn kuwo la Afduubi karo sida ka Dhacday Jubbooyinka iyo Koofurgalbeedba, kuwaa oo Madax aysan Dadku Dooran ee Kor looga keenay qaatay in ay Hoggaamiyaan.
Dadka Gobollada dhexe ayey sheegtay Ubax Tahliil in ay yihiin kuwo ay ka Go’antahay in ay dhistaan Dowlad Goboleed dadku soo Doortaan Cidda ay Rabaan, isla Markaana Xasan Shiikh iyo Jawaariba ay Sameeyeen wax Qaranimada iyo Federal-ka meel uga dhacaya.
“Madaxweynaha Sharafta leh waxaan ka Codsanayaa in haddii uusan Dan ka laheyn Maamulka Gobollada dhexe Dhismiddiisa uu Nooga leexdo, Dadka Gobollada dhexe waa dad Colaad iyo Nabadba yaqaan, Biyo Cad iyo Rooti ayaan isku Cuneynaa waan Jabhadeyn naqaan, Haddase Nabad ayaan usoo Jeednaa iyo Maamul Abuurasho, waxaad tahay Nin Laantii uu Saarnaa Gadaal ka Jaraya oo adigaa doonaya in Federal-ku Hirgalo hadana waad ku Taagantahay Maamulka sida Toosan la Rabo in uu u dhismo” ayey tiri Xildhibaanaddu.
Dhanka kale Prof. Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayey Cod dheer ugu sheegtay in uusan aheyn kaliya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleed ee uu yahay heer Qaran wuxuu ku Laalaabtay bey tiri Baydhaba, Welina ma uusan Imaan Madasha Shirka Nabadda Dhuusamareeb iyo tan Cadaado Midna.
“Meereysi aan Dadkaan waxba ugu Oolin ayaad Waddaane ama Maamulkan wax ka Dhisa Haddii kale dadka Gobollada dhexe Mardhowba ma aysan Arag dowlad ee iyagaa dhisanaya Dowlad Goboleed isku Fillaada” ayey kusoo Afmeertay Hadalkeeda.