YAA ISKU HEYSTA MAAMULKA GOBOLLADA DHEXE..? (Wax Ka Ogow Sir Toosh Ku Ifisay Ujeedooyinka *DamulJadiid, Aala-Sheek & Ahlu Sunna*)

0

Siyaasiyiinta_Gobalada_Dhexe_Isku_HaysataU GAAR AH ALLGALGADUUD MEDIA : Dadaalka maamul u sameynta gobollada Dhexe ee Soomaaliya wuxuu la bilowday khilaafaad iyo isku dhac dhex maray dowladda Federaalka iyo Puntland taasoo keentay in Puntland xiriirka u jarto dowladda Xasan Sheekh, waxaa kaloo arrinta Gobollada dhexe waxaa farta lagu fiiqaa inay ka mid ahayd sababihii soo dedejiyay khilaafkii siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed oo qaatay in ka badan shan bilood, keenayna inuu kan dambe kalsoonida lagala laabto xukuumadiisa.

KOOXDA DAMJADIID

Markii arrintii Puntland ay dhinac u dhacday, waxaa haddana soo if baxay loolan adag oo kooxo kala duwan ku doonayaan inay maamulkaasi kusoo baxaan, waxaana ololihii ugu weynaa galay kooxda Damjadiid ee saaxiibada la ah madaxweynaha. Kooxdan waxaa hormuud u ah Mahad Maxamed Salaad oo howl adag ka qabtay Dhuusamareeb, arrimihii ugu weynaa kooxdani ku guuleysatay waxaa kamida: inay ciidamo abaabuleen, inay kala qeybiyeen xoogagii Ahlu-suna iyo inay Maamulka Cirfo ee Galgaduud xoojiyeen, lana wareegeen Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ujeedada kooxda Damjadiid iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay ahayd in maamulkaasi ay hogaanka u qabtaan iyagoo isha ku haya Hiigisiga cusub ee 2016 iyo wixii ka danbeeya oo maamulada goboladdu gacan weyn ku yeelan doonaan talada dalka cidda qaban doonta. Qofka kooxdani maamulkaasi u dooneyso inuu qabto ma caddeyn markii hore waxaana la isku dhinac waday dhowr qof, ilaa markii danbe ay si cad u soo shaac baxday inuu yahay C/kariin Xuseen Guuleed.

KOOXDA AALA-SHEEKH

Kooxdani joogitaan ciidan iyo siyaasadeed kuma laha Gobollada dhexe, balse waxay sameysatay musharax muuqda oo ah Axmed Macalin Fiqi oo mar kaliya la arkay isagoo caadka maraya oo musharax cadcad ka noqday ragga ku tartamaya hogaanka maamulka foosha ku jira ee Gobollada Dhexe. Fiqi iyo kooxdiisa Aala-Sheekh waxay ku tashanayaan oo kaliya hanti iyo shaqsiyadda musharaxooda. Tani waxay ka careysiisay Ahlu-sunna waljamaaca qeyb ka mida oo ka war heshay in koox iska socota ay guraneyso halgankoodii ay dhiigga u daadiyeen. Waxayna ku soo baraarugeen Aala-sheeg oo degaanadoodii oo Aalasheekh lagu soo dhoweynayo, mashxaradna is qabsatay.

KOOXDA AHLU-SUNNA

Kooxdan inkastoo ay kala qeybsantay, waxaa ku hartay koox mayal adag ku taagan inay siyaasad ahaan uga faa’iideysato halgankii ay Shabaab kula galeen deegaanadaasi. Kooxdan oo xaaladeeda kala daadsan tahay ayaa gacan ka heshay xubno uu ka mid yahay Cabdi Nuure Siyaad (CabdiWaal) oo Muqdisho ay ku heshiin waayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Damjadiid. Waxaa kaloo markii danbe kooxdan oo dagaal ku qabsatay Degmada Guriceel ku soo biiray siyaasiyiin kala duwan iyo xubno ku kacsan madaxweynaha dowladda Federaalka.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika Axmed C/salaan Aadan ayaa ah musharaxa kooxdani ay wadato, wuxuuna safiirku dhowaan isku xiray kooxda iyo Itoobiya oo taageero siisay markii ay is muujiyeen. Inkastoo uu safiir yahay haddana Axmed C/salaan wuxuu ku lug leeyahay arrimha ka socda Guriceel. Odayaal aan yareyn sida Macalin Maxamuud, Gen. Galaal, Cabdi Waal iyo xildhibaano dhowr ah oo Muqdisho ku sugan ayaa geed fadhi u ah kooxda Ahlusunna oo hadda u muuqata inay salka la gashay Itoobiya siina adkeysaneyso jiritaankeeda.

GABAGABO

Xaaladda Gobollada dhexe waxay mareysaa meel halis iyo kala wareeg ah oo horseedi karta in gebi ahaan lagu fashilmo dadaalka maamul u sameynta degaanadaasi, ayna kasii darto xaaladda colaadeed ee Guriceel ka bilaabatay. Dhinacyada is haya waxay dhammaantood ka siman yihiin inuusan midkoodna ka fekerin xaaladda shacabka Goboladda dhexe ee ka soo daalay dagaalada iyo abaaraha, waxaa kaliya u muuqda kursiga madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe oon la ogeyn sida ay ku calfan doonaan, hadiiba lagu heshiiyo. Haddiise waxgarad iyo dad Alle yaqaan u bixin arrintan cakiran waxaa cad inaysan xaaladu ku dhamaan doonin si qurux badan.