Hal’doorka ummadda Soomaaliyeed waa Haweenka: W/Q: Cabdinuur Faarax Maxamuud

0

Waxaa (adduunka) laga  xusaya  maalinta 8,  Maarso ama  march  oo  loo asteeyey  Maalinta Haweenka Adduunka  oo Soomaaliyana kamid tahay, hayeeshee  (Alle)ayaa  caddeyey xaquuqda dumarka  waxaanunahay muslim  xaquuqda  haweenayda muslimadda Alle ayaa qur,aankiisa  ku caddeyey  Allaha weyn ee waxidkaa  ayaa  karaammeyey Haweenka Muslimkaa  waxaa loogu magac daray suuratu maryam)  malin kaliya oo  reer galbeedku iclaamiyeena  waa ka xaquuq  badan yihiin haweenka muslimku, daryeelka ay mudan yihiina ma ahaan mid la soo koobi karo…

 Waxaa  jira dhibaatooyin baaxad weyn oo dumarka Soomaaliyeed laqabaan haween Weynaha  caalamka ku nool   waxaana ka mida inaysan dumarka Soomaaliyeed inta badan helin xaqii ay lahayeen daryeelkii ay mudnayeen loona  geysto arrimo  tacadi iyo dhibaato jogtaa..

 Waxaa dumarka Soomaaliyeed loogeystay  dhibaatooyin aad u foolxun  sida kufsi) dhac  dil iyo barakicin jogta  inta badaan haweenka Soomaaliyeed mahelaan daryeel ku filan  xitta  kuwa ragga leh ee la qabo ayaan helin xaquuqdoodii waxaadna arkaysaa Gabar Soomalaiyeed oo la daalaa dhacaysa ciyaal iyo dhammaan  mas,uuliyadii qoyska  halka raggii Soomaliyeed ku mashquulsan yihiin waxaan dani ugu jirin qaad iyo siyaasad qariban..

Faadumo waa gabar Soomaaliyeed  waxaan waydiiyey  waxay qabato waxay igu jawaabtay  walaal  waxaan shaqeeya dhawr iyo toban sac   waxaan biila hooyaday aabahay iyo ciyaal aan dhalay oo abahood  igu furay  waxaan wax baraa walaalahay iyo ciyaalkeyga oo aad moodo agoon  abihii dhalay waxaa  igu dambaysay markii aan kala tagnay bal fiir hooyada Soomaaliyeed  dhibaatata haysata iyo mas,uuliyada saran ee ay dhabarka u ritatay  waan xaqiijin karaa  nin Soomaliyeed oo manta joga inuusan intaas  faadumo sheegtay  uusan qaban karayn  maxaan ugu abaal gudi karaa dumarka Soomaaliyeed?…

                    Hal-doorka ummadda Soomaaliyeed

Ummaadd  kastaa  waxaay leedahay  haldoor  laf dhabar u` ah  jiritaankeeda   aniga oo anan  ka hadlayn ummaddaah  kale  waxaan  rabaa  inaan  qormadaan ku eego  (Haweenka) Soomaaliyeed  iyo  haybada ay innaga mudan yihiin  inaan lagu soo koobi  karayn hal maalin oo loo asteeyey   waayo  HAL -BAWLAHA) Ummadda Soomaaliyeed ama  hal doorka  Ummadda  Soomaaliyeed  waa  haweenka..

Haweenkeena  Soomaaliyeed    waa  kuwo  qaali nagu ah  oo` aan  lagu soo koobi karayn hal maalin inay leeyihiin   taas  badal keedna haweenka   Soomaaliyeed   waxaay innaga mudan yihiin inaan    maalin kasta  saacad kasta iyo xili kastaa  u dabaal dagno  kuna  dadaalo   daryeelkooda iyo  wanaagooda  waa haddii aan  nahay Ragga Soomaaliyeed  waayo Hooyada  walaashaa  xaaskaaga iyo gabdhaada  inaad maalin kaliya u aqoonsato ma kula tahay inay sax tahay? jawaabtu waa maya ee maalin kasta waxay naga mudan yihiin  dabaal dag  iyo daryeel jogtaa…

Haweenka  Soomaaliyeed  waa   laf,dhabarka Ummadda Soomaaliyeed   tariikhada  Hablaha Soomaaliyeed  waa mid  gun adag leh  waxaan  tariikhada ku hayaa  xiligii Gobonimmo  doonka  haweenka Soomaaliyeed  waxay  ahayeen kuwo ka feejiggan ragga  waxaay ahayeen kuwii naf iyo maalba u huray   in lahaanto xorriyadii 1960, aan helay inkastoo ragga Soomaaliyeed  uu meel xun dhigay xorriyadaas..

                          Xorriyad  raatintii Soomaaliya

  Xiligii   isticmaarkii reer galbeedka lala daggaalamayey Haweenkeena Soomaaliyeed ayaga  oo ilamaha  Korinaaya  ayaga oo ( UUR LEH)  ayaga oo dumara  ayey  haddana  waxay ahayeen kuwo  garab tagnaa  Ragga Soomaliyeed  waxaana  qarkood   geeriyoodeen ayagoo la daggaalamaya  cadowgii Ummadda Soomaaliyeed waxaa  kale oo jirtay  inay xabsiyaddii Gumaysiga   galen  kuna dhinteen  kuna  ummuleen ayaga oo ku  jira xabsi gudihiisa  waxaan is waydiiya ma loo abaal guday hablaha Soomaaliyeed ?  maxaase  loogu abaal guday ?                                   

Burburkii qarankii Soomaaliyeed kadib waxa  dawlad noqday  dumarka Soomaaliyeed oo dhexda  u xirtay siday u badbaadin lahayeen ummadooda  waxay daryeel u sameeyaan ragoodii ciyalkoodii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxayna noqdeen isha kaliya ee loo baxsaday burbuirkii kadib ilmaa manta..

Hablaha Soomaliyeed  waa kuwo ku kalsoon inay  damaannad  qaadi  karaan  mas,uuliyadda  ummad dhan   waxaana caddeyn  kuu ku filaan  markii Dawladdii Soomaaliya Burburtay halka kaliya ee loo baxsaday waxay noqotay haweenka Soomaaliyeed  dal iyo dibad-baa , ayaga  oo dusha u ritay  badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed  alle ayaa  wax badbaadiya  laakiin  waxay xanaaneeyeen kumanaan   Soomaaliyeed  waxay u dhinteen una Rafaadeen iyagoo caawinaya ummadda Soomaaliyeed  waxayna  waajib inagu ah inaan  si dhaba u,ogaano halka ay inaga jogto gabadha Soomaaliyeed iyo qaymaha ay leedahay…

                       Isku xirka bulshada 
Gabadha Soomaaliyeed  waxaay  isku xirtaa  bulsho  ama labo (Ardaa) sida inuu guursdo nin  ka  soo jeeda qabaa,iil  kale  kadibna  labada qabaa,iil ay dhex  marto   xididtinimo`   Xididtinimo   waa hab  xiriir oo ka dhexeeya  labo  bulsho  oo, ay isku xirtay Gabar Soomaaliyeed   waana haybad  hablaha Soomaaliyeed ay uga duwan yihiin  Haweenka Adduunka kale waana inay ragga Soomaaliyeed  dareeman inay ka nasiib wacan yihiin ragga caalamka kale ..

 Gabdhaha Soomaaliyeed   waxay  karti) buuxda u leeyihiin inay marti soor u samayso  marti ku soo hoyata   hoygeeda  ay  hooyadda u  tahay  haddii uusan joogin  mas,uulka reerka   waxaa  mas,uuliyadda qaatata  Hooyada  Soomaliyeed ayada  oo martita   ku maamuusta  Hanaan   heer sara  miyi iyo magaalaba  taasina  wa hanaan  kale oo ay uga duwan yihiin

                         Soo afmeerid

Waxaan ku soo koobaya hablaheenna hananka wacaan  haybadoodu waa inaan daryeel  usamayno waa inaan u abaal gudno   waa inaan isku meel uga soo wada jeensano midka xun ee hablaheenna ku xad-gudba ama kufsiga iyo tacadiga u geysta waxaan baaq u diraya dhammaan ragga Soomaaliyeed  waa inay hablaha Soomaaliyeed tixgaliyaan  waa inay muhiimiyadda siiyaan sidii gabadhu wax u baran lahayd  sidii gabadhu u heli lahayd caafimaad waxbarasho  iyo dhammaan  wixii ay xaquuq  mudan tahay  alle ayaa  quraankiisa ku caddeyey  xaquuqda ay leedahay gabadha muslimadda  waana inaan gudano waajibka inaga saran haweenkeenna waa haddii aanahay ragga Soomaaliyeed..

Hal’doorka ummadda Soomaaliyeed waa Haweenka:

W/Q:  Cabdinuur Faarax Maxamuud
Email-Guuleed72@hotmail.com ama abdinuur02@gmail.com