Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil Oo Mar Kale Sheegay In Ay Ka Soo Horjeedaan Is Magacaabida Axmed Madoobe Ee Jubbaland.*Dhageyso*

0

Kaliil2Garbahaareey (AGGM): Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa mar kale sheegay in ay si weyn uga soo horjeedan waxa ka soconaya Magaalada Kismaayo ee ah Maamul Gobleedka Jubboland ee uu madaxweynaha Jubbaland isugu magacaabay Axmed Madoobe, isagoo arrintaasina ku macneeyay mid aan loo dhameyn oo ay ka dhalan karto Cawaaqib xumo.

Hadalkani ayaa waxaa uu soo baxay xilli Maalinimadii shaley kulan deg-deg ah oo ay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ugu sareeya ay ku yeesheen magaala maaxda gobolka Gedo ee Garbahaarey la’iskula soo qaaday xaaladaha cakiran ee gobolada Jubbooyinka ka taagan, ayada oo gebagebadii kulankaasna laga soo saarey war murtiyeed ku aadan sida masa’uuliyiinta Gobolka Gedo ayan raaliga uga ahayn waxa ka soconaya Magaalada Kismaayo.

Gudoomiye Kaliil oo gebagebadii kulanka shir Jaraa’id u qabtey Warbaahinta ayaa sheegay in arrimaha Kismaayo ka socda in ay marar badan horey uga hadleen, isla markaana waxa todobaadyadii lasoo dhaafay halkaas ka dhacay ayan ahayn kuwo sharci ah, isagoo dhanka kalena sheegay in shacabka gobolka Gedo aanay marnaba raali ka ahayn, kana noqon doonin waxa ka dhacay Kismaayo, waxaana u aragnaa buu yiri in uu Axmed Madoobe yahay un shaqsi asaga is magacaabay.

Kaliil ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in waxa Kismaayo ka dhacay ayan waafaqsaneen Dastuurka Qaranka, waxaana uu dhibaatada ka taagan Jubbooyinka ku eedeeyey Dowlada Kenya oo uu sheegay in ay la safan tahay kooxda Axmed Madoobe, isla markaana ay dooneyso in uu dadka ku xukumo si qasab ah, isagoona uga digey Kenya in ay faraha kala baxdo arimaha Jubbooyinka, isla markaana ay dhex dhexaad ka ahaato.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa waxuu si weyn usoo dhaweeyay doorashadii Col. Bare Aden Shire (Bare Hiiraale) loo doortay madaxweynaha Jubbaland oo uu ku sheegay in uu yahay muwaadin Soomaali ah oo xaq u leh in la doorto, waxna uu doorto, dadka Soomaaliyeedna ay fekerkaas qabaan oo ay jecel yihiin.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa waxa uu Imaanayaa Xilli ay maalintii saddexaad wafdi heer sare ah oo xukuumadda Soomaaliya ka socdo ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha Kismaayo, ayada oo xubnihii ismagacaabay oo uu Axmed Madoobe hor boodayana ay wali ku adkeysanayaan in ay yihiin maamul jira oo rasmi ah.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/Maamulka_Gedo_oo_kasoo_horjeestay-Jubboland.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Source: AOL

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com