Booliska Dalka Turkiga Oo Xir Xiray Ku Dhawaad 1000 Qofood Dad Gaaraya.

0

Taksim-Square-ViolenceIstanbul (AGGM):Wasiirka arimaha gudaha dalka Turkiga Muammer Guler , ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in Booliska wadankaas ay xir xireen dad gaaraya 1,000 qof kuwaasoo qayb ka ahaa banaan-baxayaasha rabshada kawada fagaaraha  Taksim ee bartamaha magaalada Stanbul.

Warka kasoo yeeray wasiirka arimaha gudaha dalka Turkiga aya kusoo aadaya iyadoo maalinkii 3aad ay halkooda kasii socdaan dibad-baxyo xoogan oo dalkaas kasocda, iyadoo Ciidamada Booliskana ay isku dayayaan ineey xakameeyaan dadkaan dibad-baxaya iyagoo adeegsanayay Gaaska dadka ka’ilmeysiiya iyo tubooyinka laga tuuro biyaha xoogan.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay ineey isaga baxeen fagaaraha Taksim, oo ah halka xudunta u ah banaan-baxayaasha, waxaana goobtaan ay horay u ahayd meel lagu qabto banaan-baxyada lagu taageerayo xisbiga uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha dalkaas Rajeb  Tayyip Erdogan.

Iyadoo maanta oo Axad ah ay dalka Turkiga u tahay maalin Fasax ayaa waxaa lagu wadaa ineey banaan-baxayaal farabadan kusoo biiraan dibad-baxa Taksim, kadib markii ay ay halkaas isaga baxeen Ciidamada Booliska.

Banaan-baxa Taksim kasoconaya ayaa waxaa kusoo biiray dhamaan qaybaha kala duwan ee kooxaha mucaaradka dalkaas, fanaaniin, aqoonyahano iyo ururo u dhaqdhaqaaqa Bulshada, waxaana ay wateen boorar uu ku sawiranyahay hogaamiyihii hore ee dalkaas ee Cilmaaniyada Keenay Kamaal Atatorki.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com