Kismaayo: Guddiyo La Magacaabay,Kulamo Guul Ku Dhamaaday,& Qodobo Laga Soo Saarey Kulamadaasi.

0

kismayoKismaayo(AGGM) Labadii maalmood ee la soo dhaafey waxaa Huteelka Cascaseey ee Magaalada Kismaayo kulamo muhiim ah uga socdaan Madaxda dawlada federaalka, Taliska Ciidamada Amisom,Waxgaradka Gobollada Jubooyinka iyo Gedo, Saraakisha ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed & Aqooyahanadda degaanadaasi ka soo jeeda,waxaana kulankaasi saaka la soo gebagabeeyey markii natiijooyin wax ku ool ah laga gaarey.

Kulankan muhiimadiisa ayaa ahayd sidii kulanka magaalada muqdisho ka dhici raba ee dawlada federaalka ahi ku baaqday looga qayb qaadan lahaa isla markaasna qabanqaabadiisa la geli lahaa,waxaana la sheegey in kulankaasi laysku afgartey in la diyaariyo masuuliyiintii qabanqaban lahayd ergooyinka ka qayb galaya isla markaasna la abaabulo sidii meel laysla dhigi lahaa intaan kulankaasi qabsoomin qaabkii looga qayb gali laha.

Waxa laysla gartey in kulankaasi qabanqaabadiisa iyo ka qaybgalkiisa gacanta loo geliyo waxgaradka ka soo jeeda gobollada Jubooyinka Iyo Gedo Iyo dawlada federaalka ah ee soomaaliya si maamul buuxa oo loo dhan yahay looga dhiso gobollada Jubooyinka iyo Gedo,waxaana la sheegey in gudiyo laga magacaabay arrimahaasi kaga qayb galaya shirka magaalada muqdisho lagu qabanayo ee maamulka degaanadaasi loogu soo dhisayo.

Waxaana la magacaabay Guddiyadan kala ah:

  1. Xaaji Shiikh Cabdiraxmaan  waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Guurtida Gobollada Jubooyinka Iyo Gedo, Waana Shaqsi aad loo tix galiyo,waxaana uu noqonayaa masuulka horkici doona waxgaradka shirka Xamar ka qayb gali doona.
  2. Suldaan Maxamed Yaroobe Waxaa loo magacaabay Afhayeenka Golaha Gurtida gobolada Jubooyinka Iyo Gedo.
  3. Madaxweyne Bare Aadan Shire oo loo doortey inuu hogaaminayo Guddiga Siyaasada Gobollada Jubooyinka Iyo Gedo ee shirka Xamar ka qayb galaya.
  4. Col Cabdi Cigaal oo isna loo magacaabay inuu Noqdo Abaandulaha amaanka Gobollada Jubooyinka Iyo Gedo

Guddigan oo lagu tilmaamay inay hor u dhac u yihiin masuuliyiin kale oo la magacaabi doono ayaa la sheegey in magacaabistooda maantaba loo gudbiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dawlada federaalka ee soomaaliya,waxaana lagu wadaa in dhawaan inta dhiman la soo dhameystiro isla markaasna la iclaamiyo xilliga uu shirku ka furmi doono magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa layska gartey Qodobbadan:

  1. In Dhamaan ciidamada Jabhadda Raaskambooni  Tababar looga furo xeryaha ciidamada ee ku yaala duleedka magaalada kismaayo isla markaasna la baro dhaqanka iyo anshaxa ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed.
  2. Sidoo kale Ciidamada dawladda ee aan tababarka iyana qabin in iyana tababar loo xeereyo gaar ahaan xeryaha duleedka kismaayo si dhaqanka iyo anshaxa loo baro.
  3. In dhamaan ciidamada gobollada jubooyinka ku dhaqan ee la hubiyey inay tababar qabaan laysku dhex darro isla markaasna amaanka wax ka qabtaan iyagoo garab ka helaya ciidamada nabad ilaalinta ee siraliyoon iyo kiiniya.
  4. In amaanka magaalada kismaayo ay si wada jir ah u sugaan ciidamada xoogga dalka ee tababarka ku soo qaatey gudaha kiiniya & Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada kismaayo.
  5. Sidoo kale waxaa ciidamada Amisom lagu wargeliyey inaysan Jarin isgaarsiinta magaalada kismaayo ilaa ay amar ka helaan dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafey gudaha magaalada Kismaayo soo gaareeyey boqolaal ka tirsan ciidamada dalka Siiraliyoon ee ka mid ah ciidamada Amisom,waxaana ciidamadaasi agabkoodii laga soo dejiyey dekedda Kismaayo,waxaana lagu wada in guda galaan hawlaha amaanka lagu xaqiijinayo.

Dhinaca kale waxaa maanta agab ciidan oo badan loo qaybiyey cutubyo ka tirsan ciidamada dawlada ee dhawaan ka yimid gobolka Gedo,waxana la kala dejiyey qaybo kala duwan oo magaalada kismaayo halkaasi oo la sheegey inay fariisimo ciidan ka sameysanayaan ilaa amar dambe.

Sidoo kale waxaa xalay gudaha magaalada Kismaayo soo gaarey ciidamado badan oo ka yimid gobolka Gedo kuwaasi oo fariisimo ciidan ka sameystey gudaha iyo duleedka magaalada Kismaayo,waxaana ciidamadaas qayb muhiim ah ka yihiin la dagaalanka kooxda Alshabaab ee ku sugan gobollada Jubooyinka.

Si kastey ahaataba waxa muuqata in dhamaan maamuladii kala duwaan ee looga dhawaaqay kismaayo ay noqdeen kuwo hal bacaad lagu lisay isla markaasna aan waxba ka jirin,waxaana lagu wadaa in dhamaan dadkii madaxda sheegtey iska xaadiriyaan magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya halkaasi oo lagu qaban doono shir maamul loogu sameynayo gobollada jubooyinka.

Salebaan Cabdi Yuusuf

Kismaayo,Jubada Hoose

Allgalgaduud@gmail.com