Baaq Ku Socda Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed Dal Iyo Dibadba.*Daawo*

0

witeWaxaan Baaq u Direynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed hadii ay joogaan dalkeeni iyo haddii ay joogaanba dalka dibaddiisaba.

Waxaan Idiinku baaqaynaa inaad ka kacdaan kana dhiidhisaan falalka waxuushnimada ah ee lagula kacayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa ee noqday wax soo noq noqda maalin walbana dadkeena si waxuushnimo ah  loogu geesyto gudaha dalka South Africa falal ka dhan ah bini’aadamnimada.

Soomaaliyeey kaca oo u istaaga difaaca dadkiina la xasuuqayo maalin walba, oo ku mudaharaada safaarad walba oo ay caalamka ku leedahay dowladda South Africa ee dadkeedu ku kaceen falalka ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xuquuqda aadanaha oo guba calankooda oo muujiya shucuurtiina Soomaalinimo, Bilaa Caleeykume.

Soomaaliyeed meeshaad labo ruux ku joogtaan cadaawada South AFrica laabta ka ogsoonaada.

Fadlan ha daawan haddaad dhibsaneyso waa Video argagax leh oo Muujinaya dhacadadi ugu dambeeysay ee lagu dilay Marxuumka.

Inta Qof Soomaali ah Saaran yahay aduunkan guudkiisa marnaba hilmaami meeyno Shacabka iyo Dowladda South Africa waxa ay u geeysteen Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkooda, waana kula xisaabtami doonaa.

Maamulka, shaqaalaha iyo dhamaan akhristeyaasha warbaahinta caalamiga ah ee Allgalgaduud Media waxay hambalyo iyo bogaadin aan u dirayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Xildhibaanada Baarlamaanka sida geesinimada iyo Soomaalinimada leh ay ugu dhiiradeen in ay ka jawabaan xadgudbkii waxuushnimada ahaa ee loo geystay Allaha Unaxariistee muwaadin Soomaaliyeed ee 25-jir ahaa, oo aan haba yaraatee wax danbi ah galin inuu Soomaali yahay mooyee.

Hadaanu nahay maamulka warbaahinta Allgalgaduud Media Jaalle Madaxweyne iyo Jaalle R/wasaare waad ku mahadsan tihiin sida geesinimada leh ee aad Waajibki aanu idiin idmanay aad u gudaneeysaan, waxaan mar walbana taageeraynaa, soona dhaweeynaynaa dadaalada aad ugu jirtaan badbaadinta dadka iyo dalka Guuleeysta.

wite

U Hiili Waa Walaalkaa Soomaaliyeed, Kuwa Walaalkeen Soomaaliyeed U Dilay Sidaas Anana Sidaas Ayay Noo Dileen, Kaca oo Danqada Soomaaliyeey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com